Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda

0
325

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Xubnaha guddigani oo ka kooban todoba xubnood ayaa dhamaantood ba Ragg ah, iyadoona aanay ku jirin wax haween ah.
Waxaan madaxweyne Biixi, guddigaasi ku magacaabay wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022-ka.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyadda Somaliland oo warbaahinta loo kala diray.
Wareegtadaasina waxay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne.
UJEEDDO: MAGACAABID
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011;
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland:
1. Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin.
2. Siciid Maxamed Cilmi Xubin.
3. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin.
4. Aadan Geedi Qayaad Xubin.
5. Cabdalle Ibraahim Maxamed Xubin.
6. Mukhtaar Cabdi Jaamac Xubin.
7. Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin.


Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here