Wakiilka Somaliland U Fadhiya UK Oo Ka Warbixiyay Doodii Baarlamaanka

0
441

Hargaysa (HP): Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka UK ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay hawsha aqoonsiga Somaliland ee dhawaan la hor geeyay baarlamaanka Ingiriiska.
Waxaanu sheegay danjiruhu in hawshaasi ay in muddo ahba ka soo shaqaynayeen, isla markaana aanan weli buuxda weli guusheedda loo wada gaadhin.
Balse ay dhawaan shacbiga reer Somaliland arki doonaan arrintaasi oo midho dhashay guusheedana la gaadhay.
Danjire Maxamed C/laahi Dayax Weerar, oo hadal ka jeediyay munaasibad xalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay mudadii xilka hayay.

Geesta kale Maxamed Dayax Weerar, waxa uu sheegay in dhawaan si buuxda loo gaadhi doono guusha aqoonsiga Somaliland gaar ahaana arrinta doodda baarlamaanka dalka Ingiriiska.
Danjire Maxamed C/laahi, waxa uu tilmaamay in mudadii uu hayay xilka inuu ku guulaystay midaynta jaaliyadaha reer Somaliland ee dalkaasi Ingiriiska.
Taasoo keentay in jaaliyadu ay si midaysan uga hawl galeen arrinta qadiyadda aqoonsi raadinta jamhuuriyadda Somaliland.

Daawo:Danjire Dayax Weerar Oo arrimaa Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here