Madaxweyne Biixi oo La Kulmay Guddida Cusub Ee Dorashooyinka Somaliland Ee Muranku Ka Taagnaa

0
915

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha guddida cusub ee komishanka doorashooyinka ee muranku ka taagnaa.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan.

Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan.

Sidan oo kale madaxweynuhu wuxuu shalay la kulmay hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii doorashooyin dalkan uga dhici lahaayeen.

Xubnahan cusub ee Guddida koomiishanka Doorashooyinka ee Madaxweyne Biixi la kulmay ayaa waxaa ka taagnaa muran xoogan, iyadoona ay Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa sheegay inay joojiyeen wadashaqayntii Gudidan cusub ee Doorashooyinka.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here