Dawladda Soomaaliya oo Amartay In La Xidho Xisaabaadka Dadka Ku Shaqaysta Sarrifka Forex

0
892

Muqdisho (Hargeisa Press) – Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in la xidho dhammaan Akoonnada ay Soomaaliya ku leeyihiin Dadka ku shaqaysta Sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaano (Forex), kaasi oo lagaga dhex shaqeeyo Internet-ka.

War ka soo baxay Baanka dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu amray in la xidho Akoonnada Soomaaliya ka furan ee lagaga shaqeeyo Sarrifka Forex, Maalmo ka dib markii Culimo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ay sheegeen in adeegga Forex uu yahay Xaaraan isla-markaana uu fasahaadinayo dhaqaalaha ummadda, haddii aan laga hor-tagin.

Hoos ka akhri War-saxaafadeedka Baanka Soomaaliya

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here