Madaxweyne Biixi oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub

0
1534

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagootin ah la yeeshay safiirka midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga, Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.

Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Safiirka Midowga Yurub waxaa ku wehelinayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada, ahna ku simaha Wasiirka.

Warka ka soo Madaxtooyada, ayaan faah-faahin looga bixin waxyaabaha ay ka wadahadleen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolás Berlanga.

Safiirka Midowga Yurub Nicolás Berlanga oo maalmihii u dambeeyay socdaal ku joogay Somaliland, ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta sar sare ee Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah golaha wasiirrada ee wasaaradahoodu ay fuliyeen mashaariic ay gacan ka geysteen midawga Yurub.

Nicolás Berlanga, ayaa xidhiidh wanaagsan la lahaa Somaliland oo uu socdaalo joogto ah ku iman jiray, isagoo ku ammaani jiray nabadgalyda iyo dawladnimada ka jirta Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here