Shirkada Telesom oo Laba Idaacadood Ku Wareejisay Wasaaradda Warfaafinta

0
474

Hargeysa (Hargeisa Presss)- Wasaaradda warfaafinta Somaliland, ayaa maanta shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM kala wareegtay laba idaacadood oo loogu tallo galay idaacadda dawladda ee radio Hargeysa.

Labadan idaacadood waxay shirkadda TELESOM ku wareejisay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland oo ay wehelinayeen qaar ka mida agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Munaasibada la wareegida labadan War laliye oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa Waxaa ka hadlay Agaasiyeyaasha Waaxyaha Idaacadaha Axmed Ibraahin Cali “Axmed Shiine” Farsamadda Ayaan C.risaaq Jaamac iyo Telefishanka Cabdirisaaq Cismaan Maxamed waxayna Shirkada Telesom uga Mahadceliyeen deeqdan ay soo gaadhsiisay wasaaradda Warfaafinta.

Yaasiin Nuur Mooge oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa sheegay in labadan War laliye ay ugu talo galeen in lagu balaadhiyo Idaacada Qur’aanka kariimka ah ee Radio hargaysa si ay meelo fog fog looga dhagaysan karo Waxa uu intaas ku daray in labadan War laliye ay awoodoodu dhan tahay 2000 oo Waat iyo Mid Kun waat ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi’gelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Labadan War laliye ku xoojin doonaan gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in labadan War laliye ay door fiican ka qaadan doonaan tayada dhagaysi ee Idaacada Qur’aanka Kariimka ah.

Waxa uu Agaasimaha Guud uga mahadceliyey Shirkadda Telesom deeqdan ay soo gaadhsiisay Wasaaradda Warfaafinta, Waxa uu agaasimaha Guud intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay dalbeen qalab kale oo FM ah oo la gaadhsiin doono Lixda Gobol ee Waaweyn ee dalka isla markaana wax weyn ka tari doona kor u qaadista maqalka idaacada radio hargaysa .

LEAVE A REPLY