Wasiirka Deegaanka Oo Burco Ka Furtay Shirka Joojinta Dhuxulaysiga+Sawirro

0
400

Burco (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Somaliland ayaa maanta magaaladda Burco ku qabatay shir lagaga arrinsanayo sidii wax looga qaban lahaa Xaalufka, Dhuxulaysiga, Ceshiimooyinka, Degsiimooyinka iyo Ugaadhsiga sharci darrada ah.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka oo gacan ka helaysa qaar ka mida haayadaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin gaar ahaana haayadda UNDP.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb gelay badhasaabyadda lixda gobo lee barriga Somaliland gaar ahaana goboladda Togdheer, Sanaag, Sool, Sarraar iyo Daad-Madheeb.

Shantaasi gobol oo la aaminsan yahay in ay si weyn u saamaysay dhibaatadda lagu hayo deegaan gaar ahaana dhuxulaysiga iyo xaalufka lagu hayo deegaanka iyo sidoo kale ugaadhsiga sharci darrada ah.

Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb geli doona taliyeyaasha ciidamadda booliska iyo Milateriga, Maxkamadaha degmada iyo gobolka, Xeer-ilaalinta iyo wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo haayadaha Caalamiga ah.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shirkaasi si rasmiya u furtay ayaa filmaantay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay sidii wax looga qaban lahaa Dhuxulaysiga sharci darradda ah.

Waxa kaloo ay wasiirku ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay wasaaradaasi iyo sida ay uga hawl gasho dhamaanba goboladda dalka ee la xidhiidha ilaalinta deegaanka iyo ka hor taga xaalufka ku dhacay deegaanka.

DAAWO: Khudbadii Wasiirka:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here