Madax-dhaqameedka Somaliland iyo Puntland oo Kulan Ku Yeeshay Hargeysa

0
862

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland kulan xaasaasi ah ku yeeshay qaar ka mid ah bahda dhaqanka Somaliland iyo Madax-dhaqameed ka socday Maamul Goboleedka Puntland.

Kulankan labada Madax-dhaqameed ee Somaliland iyo Puntland ay isugu yimaadeen oo ahaa mid hadhimo sharafeed ah oo uu fidiyay Suldaanka guud ee Beesha Habar-awal, Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, ayaa waxaa ka soo qayb galay, madaxda dhaqanka Hargeysa, Masuuliyiinta gobolka Maroodi-jeex, xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley iyo Siyaasiyiin.

Sidoo kale, wefdigan madaxda dhaqanka Puntland oo ka koobnaa Madax-dhaqameed, Ganacsato iyo culimaa udiin, ayaa waxaa hoggaaminayay Islaam Maxamuud Islaam Yaasiin oo ka mid ah isimada waa weyn ee bahda dhaqanka Puntland.

Kulankan, ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo badan oo ku aadan amniga Somaliland iyo Puntland iyo weliba isu socodka labada shacab iyo weliba sidii qayb weyn looga qaadan lahaa isu soo dhawaynta Madaxda Somaliland iyo kuwa Puntland.

LEAVE A REPLY