Madaxweyne Biixi oo Ka Digay Arin Ay Qorshaynayaan Madaxda Soomaaliya

0
943
Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay munaasibada 28 guurada ciidamada qaranka Somaliland, ayaa eedaymo kulul u jeediyay Madaxda Soomaaliya, isaga oo si weyn uga digay arin ay la maagan-yihiin shacabka Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu ku eedayay madaxda Soomaaliya ka talisa in ay doonayaan in ay shacabka Somaliland galiyaan dhibaatada ka socota Soomaaliya.

”Taliska halkaa ka taliya wali waxaa ka dhaadhici la, waar 30 sanno ayaynu midaysnayn oo waynu is eednay oo waynu isla dunay, 30 sanno ayaynu kala maqnaynoo waxbadanba yaanaan gaadhine, nabad, horumar iyo dowlad dhis baanu ku jirnaa, idinkana dhibaato ayaa idin haysata, waxa la yaab ah in aad dabka nala soo gala tidhaahdan”Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya mid waliba dhankeeda isku dhisto, madaama oo sida uu sheegay midowgii lagu hungoobay.

Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay in shacabka Somaliland ahaan, ay ku faraxsanyihiin in dowlada Soomaaliya dhisanto, oo hurumar-na gaadho.

”Dhibaato ayaa inaga gaadhay oo waynu dunay, labadii dowladood mid waliba gaar keeda haysku dhisto oo ha socoto, anagu in ay dhismaan, iyagoo qoladii Talyaanigu haysan jiray ah oo ay horumaraan, kuwii jira ahaada oo soo kora ayaanu leenahay”Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi, ayaa geesta kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya isagoo tilmaamay inay iskaashiga nabad galyada gobolka uu heerkii ugu sareeyay marayo.

Ugu dambayn Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay mudan yihiin in lagu tixgaliyo doonistooda, waxa uu sheegay in Somaliland aanay cidna dagaal kula jirin, isla markaana aanay jirin sharci ay jabisay oo ay ku dhisan tahay axdi qarameedkii Afrika ee isticmaarku dajiyay.

Hoos ka daawo muuqalka khudbada Madaxweyne Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here