Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Weftiyo Ka Socda Jabuuti iyo Itoobiya (Sawirro)

0
567
Madaxweyne Biixi iyo Weftiga Jabuuti iyo Itoobiya
Madaxweyne Biixi iyo Weftiga Jabuuti iyo Itoobiya

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wufuud kala duwan oo taliyeyaal ciidan u badan oo ka socday dalalka jaarka ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Weftiyadan, ka socday dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, ayaa dalka Somaliland u yimi ka qaybgalka sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland.

Weftiyadan, ka timi dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya oo ay hoggaaminayaan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada kala duwan ee labada dal, ayay ujeeddadiisu ahayd sidii uu madaxweynuhu saraakiisha ugaga mahadnaqi lahaa sida ay usoo sharfeen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay uga soo qaybgaleen munaasibadda sannad-guurada ciidanka qaranka.

Dhankooda, Weftiga saraakiisha ah ee ka kala socda dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya, ayaa  madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu usoo dhaweeyey, waxana ay tilmaameen soo dhaweyntu tahay astaan ay caan ku yihiin bulshada reer Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here