Itoobiya oo Dardargelinaysa Dhismaha Hay’addaha iyo Safaaraddaha Afrika

0
372
Dina Mufti
Dina Mufti

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dowladda Itoobiya, ayaa bixin doonta taageerada lagama maarmaanka ah si loo dardar geliyo dhismaha hay’addaha iyo safaaradaha Afrikaanka ah ee lagu wareejiyay dhulalka Addis Ababa, sida uu sheegay afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti.

Waxaa la xusuustaa in dowladda Itoobiya ay siisay dhul laga dhisayo magaalada caasimadda ah ee safaaradaha dalalka Afrika.

Golaha Wasiirada Itoobiya, ayaa dhul siisay safaarado iyo hay’addo muujinayay in ay dhismayaal ka dhisteen Addis Ababa si ay u muujiyaan rabitaankooda xooggan ee midnimada Afrika, sida la ogaaday.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay taageero u fidiso dalalka iyo hay’addaha si ay si dhakhso ah u bilaabaan oo ay u dhameystiraan dhismahooda sida ugu dhakhsaha badan.

Danjire Dina, ayaa hadalkan ku sheegay mar uu maanta warbaahinta la hadlayay, kadib shirka 40-aad ee golaha fulinta Midowga Afrika oo maanta furmay.

Wasiirada arrimaha dibadda Afrika, ayaa ka doodi doona arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda qaaradda, inta uu socdo kulanka oo socon doona laba maalmood.

Sida laga soo xigtay afhayeenka, ka qaybgalayaashu waxay hore uga wada hadleen ka hortagga iyo xakamaynta COVID-19, isbeddelka cimilada, nabadda iyo amniga iyo sidoo kale hirgelinta Ajendaha 2063.

Intii lagu guda jiray fadhigii maanta ee golaha fulinta, Itoobiya waxay muujisay sida ay uga go’an tahay in ay sii kordhiso ilaalinta xuquuqda aadanaha, ayuu yidhi.

Itoobiya, ayaa sidoo kale ka qayb galayaasha ku wargalisay in tacadiyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacay waqooyiga dalkaasi ay baadhitaan ku sameeyeen xafiiska u qaabilsan Qaramada Midoobay Xuquuqul Insaanka oo kaashanaya gudiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here