Inad Saama-jiidiyo sanqadh tirasho kala daa Cirrow . Qalilnkii: Yurub jamaal

0
900

maqaalMudane Cirro oo ah Gudoomiyihii  Golaha Wakiilada tobankii sanadood ee aynu soo dhaafnay isla markaana dadka siyaasada ka faaloodaa ay ku tilmaamaan Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa uguna fadhiidsanaa ee Waxqabadkiisu aadka u liitay taai oo ay kuu cadayn karto waxa uu golaha ku uu hogaamiya qabtay oo ah inay ansixiyeen 33Xeer  oo kali ah , Miisaanyida dalka sanadkiiba halmar, iyo Xubna hadba Cusub ee Golaha Xukuumada ku soo biira.

Xeerarka ilaa imIka horyaala oo ay ka mid yihiin Xeerkii Doorashada Wakiilada, Guurtida iyo xeerkii Amaanka oo intuba dalka saamayn weyn  ku leh.

Gudoomiye Cirro oo 10 sanadoodba isku wadi kari la’aa 80 Xildhibaan, marka Kursigiisa la soo doontana halka uu ka  raadsan lahaa kalsonida Xildhibaanada ayuu Tolaayeey iyo Qabyaalad golaha la soo dhexgalaa.

Hadii aynu inyar ku noqono Taariikhdiisii Madoobayd ee uu soo maray C/raxamaan Cirro waxa la odhan jiray C/raxmaan-Jilic markii uu Dugsiga Sheekh dhiganjiray, intaa kadib Cirro waxa uu u wareegay Magaalada Muqdisho oo uu la shaqeeyaya Dawladii Daaquudka ahayd ee Afweyne isagoo markii dambena tagay Dalaka Ruushka Isagoo gacan ka helay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo aha ninkii Dhoofiyay, isla markii uu Ruush Tagay waxa uu noqday Qunsulka Somaliya ee Dawlada Ruushka ilayn waa nin Basaas u ahan jiray Dawlada soomaliyee.

Waxa uu Somaliland yimid markii ay  safaaradii Ruushka ee Somaliya ay burburtay 2001 isagoo ka shaqaale ka ahaa Shirkad Dhismood oo uu lahaa Eng.Faysal Cali Waraabe, mudo ka dibb waxa uu isku soo sharaxay Mudane Baarlamaan isagoo ku ololeeyay inuu dawlada Somaliya u soo ahaa Qunsul ilaa 1996kii bal Akhriste ila dhugo qof aan ku qanacsanayn Somaliland ilaa 1996 dalka Madaxweyne ma ka noqon karaa.

Waxaan maqaalkaygan ku soo gabogabeynayaa

  1. Miyaya inoo simanyihiin Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa Gudomiyihii ugu mudada dheeraa SNM ee ahaa Aaabihii Guusha iyo Gobonimada iyo Cirro oo Qaranimada Somaliland aaminay markii GudoomiyenimadaBaarlamaanka uu ku helay Taageeradii labada Xisbi ee Ucid iyo Kulmiye
  2. C/raxamaan Cirro oo isku wadi kar waayay Xildhibaanad Golaha wakiilada malagu aamin karaa Hogaaminta Qaranka Somaliland.
  3. C/raxamaan Ciro oo 1974kii ka baxay Dugsiga Sheekh oo aan waxa aqoon ah oo dheeraad lahaynama aan lahayn  aqoon gaadhsiisan heer jaamacadeed.

 

Allaa mahad leh

yurub jamaal

curubolove@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here