Bilawga Dhismaha Waddada BERBERA CORRIDOR ee Isku Xidhay Dekedda Berbera iyo Itoobiya oo la Dhagax-dhigayo Maanta

0
1284
Dhismaha jidka isku xidhaya Dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya PHOTO FILE

Madaxweynaha Somaliland iyo wufuud ka kala socda dalal kala duwan oo ka qaybgalaya xafladda dhagax-dhigga + Madaxweynaha Degaanka Soomaalida oo xalay soo gaadhay Hargeysa

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dhismaha jidka isku xidhaya Dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya ee loo yaqaan BERBERA CORRIDOR, ayaa la filayaa in si rasmi ah loo dhagax-dhigo Khamiista maanta, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ka sheegay toddobaadkan in dhismaha waddada Berbera Corridor la dhagax-dhigi doono maalinta Khamiista oo ku beegan maanta, iyadoo muddo dheer la hadal-hayey dhismaha jidkaas oo sida qorshuhu yahay ay dowladda Imaaraadka Carabtu maalgelinayso.

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Muxumed Cumar (Cag-jar), ayaa si ballaadhan loogu sameeyey dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo caasimadda Hargeysa soo gaadhay fiidnimadii xalay, kuwaasoo u socda ka qaybgalka dhagax-dhigista jidka Berbera Corridor.

Madaxweynaha Degaanka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Cag-jar, waxa magaalada Wajaale kaga hortegay, kuna soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, Hawlaha Guud Md. Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo maamulka Gobolka Gabilay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Cag-jar ay u yimaadeen dalka Somaliland hawlo shaqo oo labada dal la xidhiidha, waxaannu u mahadceliyey dadweynihii sida walaaltinimada leh u soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Muxumed Cumar, wufuud ka kala socota Imaaraadka Carabta, Itoobiya meelo kale, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan xafladda lagu dhagax-dhigayo dhismaha jidka isku xidhaya Dekedda Berbera iyo Itoobiya, jidkaas oo ay dhismihiisa maalgelinayso dowladda Imaaraadka Carabta, isla markaana qayb ka ahaa heshiiska Imaaraadku saldhig millatari kaga dhisanayo madaarka caalamiga ah ee Berbera.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here