Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Kulan Xog Waraysi ah La Yeeshay Wasaarada Arrimaha Gudaha + SAWIRRO

0
928

HARGEISA, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyada Ugu yeedhay Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Cali Maxamed Waran –cadde Halkaasi oo ay kazoo xaadireen dhamaanba Badhasaabada gobolada, Maayirada Dalka Taliyayaasha Ciidamada iyo Waaxaha Wasaarada .

kul
Shirkan ayaa ahaa mid ay wasaarada arrimaha gudaha Somaliland kaga waramaysay waxqabadkeeda min gobol ilaa degmo uga qabsoomay intii uu wasiirka Wasaaradu Xilka hayey kaasi oo madaxda wasaarada, Badhasaabada , Maayirada iyo ciidamada kala duwan ee hoos yimaada wasaaradu ay madaxweynaha qaranka uga war bixinayeen waxqabkooda iyo baahiyaha jira ee dalka.

Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Warbaahinta La Hadlay Afayeenaka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde .

kulan ar

Ugu horey afayeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisii kamid ahaa “Maanta Madaxweynaha Somaliland Mudane Afmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxa uu Halkan Ugu Yeedhay Qasriga Madaxtooyada Wasaarada Arriamaha Gudaha oo ah Wasaarada ugu Ballaadhan Qarankan Jamhuuriyada Somaliland si uu ula xisaabtamo Waxii u qabsoomay Sanadkii Hore iyo sanadkan Cusub ee 2016 waxa u qarshaha ugu jira .

ci
Go;aamadii ay dhawaan soo saareen golaha wasiirada ee dhanka ajaanibka ah iyo isu socodka dadka kusoo qulqulaya dalka wasaarada ahaan waxa uga qorshaysan”

Ugu danbayntii wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-Cadde oo halkaasi kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey waxyaabihii uu shirku ku saabsanaa waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Ilaahaybaa Mahad Leh Madaxweynaha Waxaan uga mahad naqaynaa kulankaa aan la kulanay ee uu ogaanayey xogta hoote ee wadankan maadaama ay wasaarada arrimaha guduhu tahay wasaarad aad u ballaadhan waxaa kazoo qayb galay shirka Badhasaabada Gobolada, Maayirada Degmooyinka, Ciidamada Hoos Yimaada Wasaarada ee kala duwan iyo dhamaanba madaxda wasaarada arrimaha gudaha.
Kulan kani Waxaa uu daarnaa runtii Dhawaan waxaa lagu dhawaaqay in wadanku uu noqon doono waddan ku dhaqma qawaaniinta caalamka oo xoriyadiisii gaar u qaatay soomaaliyana ka go’ay waxa ugu horeysa in dalkani noqdo dal shaqsiga imanayaa uu sharci kusoo galo sharcina kaga baxo, dadka muwaadiniinta ahina ay leeyihiin sharcigoodii deganaanshaha muwaadinnimada oo dalku u kala baxo muwaadin iyo soo galooti. Taasi waa mid.
Ta kale waxaa weeyaan doorashooyinka dhawaan iminaya oo ay ugu horeyso sidii umada loogu baahinlahaa card-ka dhalashada”

 

Intaasi Kadib Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha gudaha, Badhasaabada Gobolada, Maayirada Degmooyinka iyo jananada Ciidamada wasaarada hoosyimaadaa waxaa qaddo sharaf loogu sameeyey Hotel LIKE ASAL

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here