Madaxweynaha Somaliland oo Baaq Caalami Ah Soo Saaray

0
1727
Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu Soo Saaray Baaq caalami ah oo ku aadan khasaarihii uu sababay Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Baaqan oo uu ku saxeexanyahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa beesha caalamka, ganacsatada iyo qurbjoogta lagaga codsaday in ay gacan ka gaystaan taakulaynta dadkii ku waxyeeloobay dhibaatada dabka baabiiyay suuqa Waaheen.

Baaqa ayaa lagu sheegay in uu dabku burburiyay ilaa 5000 oo ah ganacsiyo iskugu jira, kuwa yar yar, kuwo dhexe iyo kuwo waa wayn, isla markaana, ay gubashada Waaheen uga sii dartay sicir-bararkii markii horeba bulshadu la daala dhacaysay.

“Waxaynu u baahanahay in aynu si wayn uga jawaabno, si aynu wax uga qabano, isla markaana u bad baadino, nolosha kuwa ugu jilicdasan, oo u badan dumar iyo caruur, waa in aynu kaga jawaabnaa naxariis iyo wadajir, deeq-bixiyayaasha, ganacsatada, dowlada Somaliland, qurbajoogta Somaliland iyo beesha caalamka” ayaa lagu yidhi baaqa.

Baaqa ayaa lagu sheegay in gargaarka ay xukuumadu codsanayso la doonayo in cunto iyo hoy loogu sameeyo dadka aad u jilicda san, in dib loogu hagaajiyo dhismayaasha dhibtu soo gaadhay, in dowlada hoose laga caawiyo in ay samayso 6 goobood oo ku meel gaadh ah oo ay ganacsatadu ganacsigooda kusii wadan doonaan inta Waheen laga dhisayo.

Baaqa ayaa lagu sheegay in ilaa hada ay xukuumada Somaliland taageero iyo garab istaag ka heshay waddamada jaarka iyo qaarkamid ah waddamada beesha caalamka. Xog ururrinta hordhaca ah ee laga sameeyay khasaaraha suuqa Waheen, ayaa lagu qiyaasay 2 bilyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here