Madaxweynaha Somailand Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xildhibaan Shil Baabuur ku geeriyooday

0
741

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golayaasha Deegaanka dalka, gaar ahaan Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Gobolka Saaxil, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Xoolow oo ku geeriyooday shil baabuur oo saaka ka dhacay qadhiidha oo u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa 09/08/2015.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Marxuum Xuseen Saleebaan Garas oo xildhibaanka ku wehelinaayey safarka kuna geeriyooday shilkaasi, halka uu dhaawac soo gaadhay wiil uu dhalay xildhibaanku, madaxweynuhuna uu alle uga baryaayo wiilkaasi inuu caafimaad sareecana siiyo una fudaydiyo dhaawaca soo gaadhay.

Marxuum Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Xoolow
Marxuum Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Xoolow

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Golayaasha Deegaanka dalka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here