Xisbiga Waddani oo Booyado Biyo ah Gaadhsiiyey Dad Danyar ah oo Ku Nool Duleedka Bari Ee Hargeysa oo ay Soo Food Saartay Xaalad Biyo La’aaneed. + SAWIRRO

0
1084

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta 2500 oo foostooyin biyo ah gaadhsiiyey dadka danyarta ah ee ku dhaqan duleedka bari ee magaalada Hargeysa oo muddooyinkii danbe ay haysay biyo la’aan aad u xooggani.

IMG_2353

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed oo ay wehelinayaan xoghayaha xidhiidhka goballada xisbiga Waddani Mudane Cabdillaahi Daamur iyo Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa si wada-jir ah dadkan tabaalaysan ugu qeybiyey biyaha, waxaana halkaas si ballaadhan ugu soo dhaweeyey dadkii danyarta ahaa ee ku sugnaa dulleedka bari ee Hargeysa.

Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey biyahan ay ugu dadka danyarta ah, waxaana uu uu sheegay in aanay mucaaradnimadu kaliya ahayn in wax la dhaliilo balse ay sida oo kale mudan tahay in la barbar istaago dadka tabbaalaysan ee u baahan in la caawiyo.

IMG_2339

“Waxaanu maanta biyo u qeybinay xaafadaha danyarta ah ee duleedka Bariga Hargeysa, runtii mucaaradnimadu dhaliil uun maaha ee waa u dambqashada dadka tabaalaysan oo maalinta ay jilicsan yihiin la garab istaago, laguna taakuleeyo waxii la helaayo, annaguna maanta waxaanu intii karaankayaga ahayd aanu biyo ugu dhaaminaynaa dadka oo dad maati u badan oo danyar ah. Xukuumadduna runtii waa ay dayacday xaafaddan iyo dhammaanba xaafadaha kale ee danyarta ah iyada oo hantidoodii iyo maalkoodiiba haysa. Ka xisbi ahaan biyo dhaamintaasi waa mid aanu Illaahay dartii u galnay, Illaahay ayaanu ajar kaga doonaynaa, ummada Somaliland ee ganacsatada ah iyo qurba-joogtaba, waxaanu ka codsanaynaa oo aanu leenahay xukuumad dalkii iyo dadkii lagu haleeyaa ma jirto e’ ha loo soo gurmado ummada.”.Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.

Xoghayaha xidhiidhka goballada xisbiga Waddani Mudane Cabdillaahi Daamur oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in markii ay ka xisbi ahaan oggaadeen dhibbaatada biyo la’aaneed ee ka taagan duleedka bari ee Hargeysa ay isu xilqaameen siddii ay dadka haraadan ugu caawin lahaayeen waxii karaankooda ah.

IMG_2357

“Runtii halkan mushkildweyn ayaa ka taagan, xisbi ahaana markii na loo soo sheegay, dhibbaatada a jirta haraadka gaajada iyo darxumada dadkan haysata waanu ka adkaysan kari weynay oo xisbi mucaarad ah ayaanu nahay, lacag ma hayno, kharash ma hayno, waxii naga soo go’i karaayey ayaanu runtii halkan keenay. Xukuumadduna Malyuumaadka ay u soo qaadanayaan xaqal sooryada marka ay Immaaraadka tagaan, iskadaa cashuurta ummada laga qaado e’, jeebabka ayey ku dhacda, qasnado ayaa lagu ridaa, masaakiintana, waxba lagama soo gaadhsiiyo, waa nasiib darro weeye, waa dhibbaato jirta weeye, waxa weeye Hargeysa ka bilow ilaa iyo Saylac dadku haraad ayaa ay u dhimanayaan.”.Ayuu yidhi Cabdillaahi Daamur.

IMG_2321

Haweenay ka mid ah dadkii danyarta ahaa ee halkaas biyaha loogu qeybiyey, oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa ugu horeyn sheegtay in ay si aada uga mahad celinayso xisbiga Waddani biyahan uu ku caawiyey dadka danyarta ah, waxaana ay Illaahay uga bariday in uu wax khayr qaba ugu bedelo, iyada oo dhanka kalena tilmaamtay in xisbiga Waddani uu yahay xisbi ka warhaya dadka danyarta ah.

IMG_2368

“Maati ayaanu nahay, Illaahay mooyaane Aadamahu nama oga, waxa aanu halka u fadhina ee aanu wax ka sugaynay waa xukuumadda, waxa aanu hoos joogna waa iyaga, maalin walba waa uu na ag maraa madaxweynahu, maxaad tihiin nama yidhaahdo, maxaad joogtaan nama yidhaahdo, waxba nama taro, goblan ayaanu u badanahay oo gaajo ayaanu la kici kari la’nahay oo waanu bugnaa, maantana haraad ayaa noogu darnaa, haddii uu xisbiga Waddani naga damqaday oo uu maanta biyo noo keenay Illaahay ha ka abaal mariyo, oo meesha ay ka soo saareen xasanaad ha ugu bedelo, annagana wax weyn ayaa ay maanta noo tahay, waana aanu ku faraxsanahay hooyo.”.Ayey tidhi mid ka mid ah haweenkii halkaas biyaha loogu qeybiyey.

IMG_2363

Guddoomiye xigeenka Waddani Mudane Axmed Muumin Seed oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa iftiimiyey in xisbiga Waddani uu mar walba dedaal ugu jiro siddii uu waxii karaankiisa ah ugu tari lahaa dadka danyarta ah.

IMG_2365

“Waxaa aynu joogna bariga Hargeysa oo runtii dad danyar ah aanu halkan ugu keenay in aanu soo gaadhsiino dhowr booyadood oo biyo ah, sida la wada ogsoon yahayna annagu xisbi mucaarad ah, ayaanu nahay, marka aanu aragnay in bulshadani haraad ugu jirto, ayaanu ka damqanay, waxaanu go’aan sanay in bal marka hore dadka waxa ugu darani waa biyaha e’ aanu biyaha dhowr booyadood waxii itaalkayaga ah aanu soo gaadhsiino, waxaanu keenay ilaa 2500 oo foosto oo aanu ugu talo galnay bal ilaa inta ay wax kale helayaan in ay ku sii meel gaadhaan, runtii dadkan waa dad u baahan gurmad, oo waxay u baahan yihiin, caafimaad, waxbarasho iyo biyaba”.Ayuu yidhi Md.Axmed Muumin Seed.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here