Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Direy Eheladii Iyo Qaraabadii Ay Ka Baxeen Dadkii Tahriibayaasha Ahaa Ee Shalay Ku Naf Waayay Badda Masar

0
973

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu shacbiga ka tacsiyadaynayaa masiibada ka dhacday badda u dhaxaysay Masar iyo Giriiga, masiibadaas oo la sheegay inay ku naf waayeen dad aad u tiro badan oo boqolaala.

 

Madaxweynuhu waxa uu ku tilmaamay masiibadaa mid ku timid qaddarka Alle oo aan marnaba la oolin kareen, waxanu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa  guud ahaan qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku naf waayey, kuna halaagmay masiibadaa, gaar ahaan inta soomaalida ah, siiba inta u dhalatay Somaliland ee uu xilka gaarka ahi innaga saaran yahay.

 

Madaxweynuhu waxa uu soo jeediyey in la dedejin doono talo qaran oo laga yeesho dhibaatada tahriibta, isagoo ku tilmaamay dhallin yarada aayihii dalka ee laga dhursugayey inay gacanta ku qabtaan talada dalka berrito, ilaalintooda iyo bedqabkooduna tahay waajib saaran kolba inta waaweyn ee masuulka ka ah iyaga iyo dalkaba.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo dadka ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

      Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here