War-saxaafadeed: Maxkamadda Gobolka Hargeysi waxaay mudeeysay Dacwado Ciqaab ah oo ka dhan ah Suxufiyiin

0
1005

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay mudeeysay 23ka April 2016 dhegaysiga dacwad ciqaab ah oo ka dhan Muuse Jaambiir oo ah gudoomiyaha wargayska Ogaal. Sida ku cad eed ku taariikhaysan 15ka December 2015 oo loo gudbiyay Maxkamadda, suxufigan waxa lagu eedeeyay “faafin warar been abuur ah, aflagaado madaxwayne iyo ceebayn marwada koowaad ee dalka.” Xaashida eedu waxay sheegaysaa in wargeyska Ogaal uu daabacay 24kiiAugust 2015 iyo 30kii August 2015 warar been abuur ah oo la xidhiidha wareejinta haamaha shidaalka Berbera iyo awoodaha marwada koowaad.

 

Dhinaca kale, garsoore kale oo ka tirsan Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa mudeeyay 23ka April 2016 dhagaysiga dacwad kale oo ka dhan ah Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad iyo Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatirahaHubsad. Labadan suxufi waxa lagu eedeeyey inay baahiyen war been abuur ah iyo inay soo saareen wargeys aan ruqsad haysan. Waxa hore loo xidhay 30kii November 2015 iyada oo damiin lagu sii daayey 3dii December 2015. Waxa xayiran wargeyska Hubsad iyo sidoo kale wargeysyada Codka Shacabka iyo Xog Ogaal. Wargeyska Haatuf wuxuu isagu xayiran yahay tan iyo April 2014.

 

Hadii Maxkamaddu xukunto, waxay wajihi karaan suxufiyiintani sanado xadhig ah. In dembi laga dhigo saxaafaddu waxay ka soo horjeeddaa dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafadda. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa maxkamadaha inay dabaqaan oo ixtiraamana dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda oo ay laalaan eedaha loo haysto suxufiyiintan.

 

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: hrcsomaliland@gmail.com

http://www.hrcsomaliland.org/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here