Madaxwaynaha Somaliland Oo markii U Horeysay Ka Hadlay Heshiiska Dhex Maray Xukumadda Somaliland Iyo Shirkada Dubai World

0
921

Dubai , (HargeisaPress) — Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii u horeysa ka hadlay heshiiskii dhex maray xukumadda Somaliland iyo shirkada Dubai World oo ah shirkada gacanta loo galiyay maamulka dekeda magaalada berbera.

 

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay inay arinkani hordhac u tahay kobac dhaqaale iyo horumarka ay Somaliland hiigsaneyso,  sidoo kale waxaa uu madaxweyne Siilanyo uu xusay in siyaasada maalgashiga Somaliland ay soo dhaweynayso cid kasta oo buuxisa shuurudaha maalgashiga isla markaana dalka wax ku soo kordhinysa .

 

Madaxwaynaha somalilnd oo arinkasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi

 

“Arinka aan dubai u joogno waxa weeye heshiiska aad maqashen ee maalgashiga dekeda magaalada berbera iyo mashaariicda la xidhiidha, heshiiskani waxa uu muhiimad wayn u leeyahay kobaca dhaqaale ka ganacsi iyo horumarka aynu hiigsanayno ee dalkeena. Siyaasad maalgashiga jamhuriyada Somaliland waxy soo dhawaynaysaa cid kaste oo awood maalgashi leh oo buuxisa xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah ee dalkeena wax usoo kordhinaya dhaqaale, ganacsi dhisme beero dalxiis ka faa’idaysiga badda waxii lamida, si garana waxan ugu mahadnaqayaa dawlada iskutaga imaaraadka carabta, madaxda dubai iyo shirkada Dubai World sidii wacnayd ee ay noo qaabileen,iyo qodobadii aan kawada hadlay intii aan ku sugnayn oo an ku kalsonahay inay faa’ido wayn oo la taaban karo u leedahay dadkena iyo dalkeenaba’Sidas ayuu yidhi Madaxwayne Siilaanyo.

 

Si kasteba ha ahaatee madaxwaynaha Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu maamuusayo xuska 18-may ee gooni iskutaaga jamhuuriyada Somaliland oo ka qabsoontay magaalada dubai.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here