“Waa in aan la carqaladayn mashaariicda gobolka ka socda”…madax dhaqameedka Awdal

0
726

Boorama (HP): Madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa ugu baaqay dadweynaha gobolkaasi in xukuumadda ay ku garab taagan yihiin cid kastoo ka hor timaadda mashaariicda horumarineed ee gobolkaasi ka socda.

Waxaanay ku baaqeen in laga wada shaqeeyo sidii dib loogu bilaabi lahaa mashruuca biyo balaadhinta magaaladda Boorama oo ay shalay dib u fureen wasiirrada biyaha iyo arrimaha gudaha Somaliland.

Iyadoo mashruucaasi uu hakag galay kadib markii bil ka hor la toogtay askari ka mid ahaa ciidanka ilaaladda u ah shirkadda ku hawlan mashruucaasi.

Odayaasha, waxgaradka iyo madax dhaqameedka ugu caansan gobolka Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorama, waxa kaloo ay sheegeen in dhinac looga soo wada jeedsado horumarka ka socda gobolka.

Halkan Hoose Ka Daawo Hadaladii Madax Dhaqameedka Awdal:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here