Soomaaliya Oo Xidhiidhka U Jartay Dalka Ginei Conokory

0
726

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay dalka Ginei Conokory.

Tallaabadaasi oo loo arko mid ay Soomaaliya kaga masayrtay booqashadda weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland uu ku joogo dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay in dawladda Ginei ay ku xad-gudubtay qaranimadda, madax banaanidda iyo wada jirka ummada Soomaaliyeed.

 

“Waxaan ummada Soomaaliyeed la socod siinaynaa, in laga bilaabo saacadan aan hadda joogno, in dawladda federaalka Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dalka la yidhaahdo jamhuuriyadda Ginei, oo caasimadiisu ay tahay Conakory. Waa qodobka koowaad”ayuu yidhi wasiirka Khaarejiga Soomaaliya.

Wasiirka maamulka Xamar oo ka hadlayay sababta ay dawladda Ginei xidhiidhka ugu jareen, waxa uu yidhi “Qodobka labaad wuxuu ku saabsan yahay sababta aanu xidhiidhka ugu goynay dawladda Gini.

Xidhiidhka waxaan ugu goynay dalka jamhuuriyadda Ginei, waxay ku xad-gudbeen, meel ka dhac-na ku sameeyeen qaranimadda iyo  midnimadda Soomaaliyeed iyo wada jirka ummada Soomaaliyeed”.

Waxa kaloo uu sheegay wasiir Cawad, in ay jiraan dalal kale oo uu ku tilmaamay in ay meel ka dhac ku samaynayaan qaranimadda Soomaaliyeed.

Inkastoo aanu si cad u sheegin kuwa ay yihiin dalalkaasi. “Waxa kaloo jirta in aanu ogaanay in waayadan danbe ay soo badanayeen dalalka xad-gudubyadaasi oo kale samaynaya, oo meel ka dhac iyo halis intaba gelinaya, midnimadda iyo qaranimadda ummada Soomaaliyeed”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Sidaas daraadeed, waxaa la soo gaadhay wakhtigii aanu aduunka u sheegi lahayn, xukuumadda Soomaaliyeed ee federaalka ah iyo dadka Soomaaliyeed, intu ba in aanay u dul qaadanaynin in lagu sameeyo xad-gudub qaranimadoodda, midnimadoodda, wada jirkoodda iyo madax banaanidda dalkoodda”.

Dhinaca kale hadalkan xanafta leh ee ka soo yeedhay dawladda taagta daran ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka Ginei  Conokory  ay ku sugan yihiin wefti uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa, iyadoo weftiga madaxweynaha Somaliland ay marti-qaad rasmiya ka heleen madaxweynaha dalka Ginei Conokory.

Waxaanay weftiga Somaliland kulamo la yeesheen madaxweynaha dalka Ginei.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here