Machadka Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Heshiis La Saxeexday Dhigiisa Dalka Ghana

0
550

Hargaysa (HP): Machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland CSI ayaa shalay heshiis iskaashi waxbarasho oo rasmi ah la saxeexday machadka dhigiisa ee dawladda dalka Ghana ee GIMPA (Ghana institute of management and public administration).

Heshiiskaasi ayaa la xidhiidha sidii machadka tababarka shaqaalaha dawladda ee Ghana uu machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland uga caawin lahaa bixinta waxbarashadda heerka labaad ee Master-ka iyo tababaradda iyo tayaynta xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha dawladda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo si rasmiya u daah-furay heshiiskaasi ayaa ku  bogaadiyay masuuliyiinta haayadda shaqaalaha dawladda dedaalka ay sameeyaan iyo in ay xidhiidho badan la yeesheen jaamacado kala duwan.

Taasoo ku qotonta sidii loo tayayn lahaa cududda shaqaalaha dawladda Somaliland. Waxaanu yidhi,  “Waan ku hanbalyaynayaa masuuliyiinta haayadda shaqaalaha dawladda dedaalkaa ay keeneen, in ay xidhiidho badan helaan, ee ah sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda, oo ah cududda shaqaalaha.

Ama hagaajinaysa haddii aqoontoodda kor loo qaado, in adeegyadda aynu siinayno shacabkeena ay hagaagaan ayay ku fadhidaa.

Dedaal badan ayaynu gelinay mudooyinkii u danbeeyay, sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda shaqaalaha dawladda.  Waxaanan u mahad naqaynaa baanka aduunka oo inaga caawinayay hawshaasi, dhawrkii sanadood ee u danbeeyay”.

C/raxmaan Saylici, ayaa kula dar-daarmay guud ahaanba shaqaale weynaha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda Somaliland in ay ka faa’iidaystaan waxbarashadda loo soo kordhiyay, isla markaana ku dabaqaan hawlaha shaqo iyo adeegyadda ay bulshadda u hayaan.

“Waxaa loo baahan yahay dhamaanteenba shaqaale waynaheenu in ay ka faa’iidaystaan, waxaa hawl la galay iyo tababar, ee meel walba loo maray, dabadeedna ay ku dabaqaan shaqooyinka iyo xilalka ay qaranka u hayaan.

Waa xil ina wada saaran in aynu hagaajino, adeegyadda iyo shaqadda aynu u hayno qaranka, madax ilaa mijo, dhamaanteenba waa hawl ina wada saaran in aynu hagaajino ummadeena sidii aynu ugu shaqayn lahayn” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland ee loo soo gaabiyo CSI (Civil service institute) ayaa la aasaasay sanadkii 2005-tii, iyadoo mudadda uu shaqaynayay ay ka af-laxeen kumanaan arday ah oo ka tirsan shaqaalaha dawladda Somaliland.

Waxaanu machadku bixiyaa waxbarashadda heerka koowaad (Degree) iyo tababaro ku qotomadda baaiyaha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda, sida uu sheegay Mustafe Axmed Maxamuud, Guddoomiye ku-xigeenka machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi.

Waxaanu Mustafe faahfaahin ka bixiyay tiradda jaamacadaha ay heshiisyadda iskaashi kula jiraan iyo heerarka waxbarashadda ee ay ka caawiyaan.

Waxaanu yidhi, “Waxaa jira ilaa shan jaamacadood (institution)  oo waaweyn inuu machadku xidhiidh la leeyahay, oo uu heshiisyo kula jirro.

Waxaa ugu horeeya Ethiopian Civil Service University, oo aanu wada shaqaynaynay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay. Soona saaray imika ilaa 160 shaqaale oo heerka Master ah, oo wasaarradaha kala duwan iyo haayadaha dawladda  Somaliland ka hawl-gala.

Waxa sidoo kale uu machadku heshiis kula jiraa jaamacadda Jig-jiga University oo aanu iska kaashanay dhinaca Master-ka in aanu wada bixino, oo ay Hargaysa u soo diraan, oo ay xaruntoodda shaqaalaha dawladda ay ku qaataan.

Waxaanu heshiis kula jirnaa, jaamacad la yidhaahdo Open University, oo dhawaan aanu isagana soo bandhigi doono, oo hadda gebagebo ku jira, oo ah jaamacadda ugu weyn ee habka Online-ka wax ku dhigta, wadanka Ingiriiska”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxa sidoo kale ay jaamacadda Open inaga caawin doontaa, arrin machadka shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha dawladuba ay baahi weyn u qabeen, oo ah sidaynu u heli lahayn library-yadda, ee aynu caalamka ugu xidhmi lahayn ah.

Waxay ina siinayaan electronic library aynu ka helayno dhamaanba aqoonta iyo buugaagta aynu doonayno in shaqaalaheenu ay akhristaan” ayuu yidhi Mustafe.

Geesta kale dal kastoo aduunka ah waxaa horumarkiisa qayb weyn ka qaata hadba sida loo tayeeyo korna loogu qaado aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha dawladda, sidaasina waxaa sheegay guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi.

Farxaan Aadan Haybe, ayaa intii munaasibadu socotay si toos ah ula hadlay masuuliyiinta machadyadda Gimba (Ghana institute of management and public administration) ee dalka Ghana iyo ACH ee dalka Ingiriiska.

Isagoo ka hadlayay muhiimadda kor u qaadista aqoonta shaqaalaha dawladda iyo heshiiskan ay CSI Somaliland iyo Gimba Ghana wada gaadheen, waxa uu yidhi, “Dal kastaaba wuxuu ku horumaraa, sida hadba  cududda shaqaalaha loo tayeeyo. Taasuun bay dabadda ku haysaa.

Haayadda shaqaalaha dawladda iyo machadka tababarka shaqaalaha dawladu-na, waxay isku kaashanayaan uun tallaabo kasta iyo meel kasta iyo tamar kastaba ay isugu gaynayaan, si aynu kor ugu qaadno aqoonta shaqaale waynaheena, si aynu u gaadhno horumar.

Waana siyaasadda ay gadh-wadeenka ka yihiin madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyo madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan C/laahi Saylici. Waxaan rejaynaynaa in heshiiskaasi inoo noqdo mid midho-gal ah, guul wanaagsan-na inoo keena, meel wanaagsan-na qarankeena gaadhsiiya”.

Dhinaca kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiirradda wasaarradaha deegaanka, qorshaynta qaranka, caafimaadka, biyaha, diinta iyo awqaafta, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland, guddoomiyaha haayadda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, badhasaabka gobolka Maroodineex, taliyeyaaasha ciidamadda qaranka, booliska, asluubta, saraakiil ka socday laanta socdaalka Somaliland.

Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland, agaasimeyaal guud oo ka tirsan wasaarradaha iyo haayadaha dawladda, madaxa baanka aduunka u qaabilsan Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Waxaana xusida mudan intii xafladaasi ay socotay waxaa isna khadka ama habka maqalka iyo muuqaalka toos ugu jiray masuuliyiinta sare ee machadka dalka Ghana oo magaciisa loo soo gaabiyo GIMPA, iyo jaamacadda ACH ee dalka Ingiriiska. Taasoo heshiis iskaashi waxbarasho uu ka dhexeeyo machadka shaqaalaha dawladda Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here