Hargaysa: Taliye Dabagale Oo Xadhiga Ka Jaray Saldhiga Booliska Xaafadda Sh.Nuur

0
1100

Hargaysa (Hargeisa Press): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa maanta xadhiga ka jaray dib u habayn lagu sameeyay saldhiga booliska xaafadda Sheekh Nuur ee degmadda Gacan Libaax ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana taliyaha ku wehelinayay xadhig ka jarista saldhigaasi boolis maamulka degmadda Gacan Libaax, saraakiisha booliska ee saldhigaasi.
Guddiga nabadgeliyadda degmadda Gacan Libaax iyo odayaasha xaafadda Sheekh Nuur.

Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Daba-gale, oo halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay saldhigaydda boolisku u leeyihiin adkaynta nabadgeliyadda iyo dawladnimadda.

Daawo: Warkaasi

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here