Macdan Laga Qodayo Deegaan Ka Mida Berbera oo Cabasho Laga Muujiyay

0
738

Berbera (Hargeisa Press) – Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Ceel-dhamsle oo ka tirsan gobolka Saaxil ayaa waxa ay cabasho xoogan ay ka muujiyeen Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo mid ka mid ah Odayaasha deegaankaasi.

Waxa ay sheegeen Odayaashani in buuraleyda Jirba ee deegaanka Ceel-dhamasle ay Wasaarada Macdantu ka wado Macdan qodis, iyagoona sheegay in buuraleydaasi ay tahay dhul daaqsimeed ay Xooluhu daaqaan oo ay ku baxsadaan xiliyada abaaruhu jiraan ka jiraan deegaankaasi.

Dhinaca kale, Odayaashan iyo Waxgaradka deegaanka Ceel-dhamasle ayaa waxa ay baaq u direen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Degaanka Ceel Dhamasle ayaa dhaca ama ku yaalla buuralayda dhinaca xeebta ee gobolka Saaxil.

Degaankaasi ayaa la filayo in dhawaan Wasaaradda Macdantu ay ka bilaabi doonto hawl dhinaca macdan baadhista ah.

Hargeisa Press Desk/Berbera Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here