Macalin Axmed Maxamed Maxamuud Oo Ka Hadlay Kulankii Uu La Qaatay Madaxwayne Siilaanyo Eedaymona Usoo Jeediyey Taliyaha Ciidanka Nabagaliyada Wadooyinka Somaliland

0
1028

Hargeysa,(HargeisaPress) —Macalin Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo ah maamule ku xigeenka dugsiga Nuuradiin qaybtiisa Inamada oo ay isku magac yihiin madaxwaynaha Somaliland isla markaana dhawaan ay magaalada Hargeysa ku xidheen ciidamada Nabad galiyada wadooyinku ayaa ka hadlay kulankii uu la qaatay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siiilaanyo”.

Waxaana uu sidoo kale eedaymo usoo jeediyey taliyaha ciidanka nabadgaliyada wadooyinka Somaliland ahna afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland gaashaanle Faysal Xiis oo uu ku eedeeyey inuu ula dhaqmay qaabka sharci darro ah,sidoo kalena waxa uu ka hadlay macalinku in uu badalay magaciisa markii uu maqlay in ciidamadu ku daba jiraan soo qabashadiisa.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here