Maayarka Laascaanood Oo u Mahad Celiyay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dhulka

0
535

Laascaanood (HP): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa uga mahad celiyay wasaaradda hawlaha guud iyo dhulka ee Somaliland hawshii waddo banaynta ee ay ka fulisay magaaladda Laascaanood.

Maayarka oo ka jawaabayay warar sheegayay in ay wasiirka hawlaha guud isku khilaafeen hawshii waddo banaynta ee magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in ay qabteen hawl fiican oo ah degsiimadda ay degi lahayd magaaladda Laascaanood kontonka sanadood ee soo socda.

C/casiis Xuseen Taarwale, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in isaga iyo golaha degaanka Laascaanood ay xushmad weyn ugu hayaan wasiirka hawlaha guud iyo hawl wadeenadii la shaqaynayayba sidii hagar la’aanta ahayd ee ay u wada shaqeeyeen.

Waxaanu yidhi, “Waxaan halkan uga mahad celinaynaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta, agaasimaha guud, agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi, Injiineeradda wasaaradaasi, oo magaaladda Laascaanood nagala qabtay hawl aad iyo aad u culus.

Ku na saabsan kontonka sanadood ee soo socda degsiimadda ay degi lahayd magaaladda Laascaanood, magaaladii nala baneeyay, wadooyinkii naa furay”.

Geesta kale maayarka Laascaanood wuxuu sheegay in ay wasiirka ka wada xidhiidheen arrintaasi, isla markaana ay isl af-garteen in wixii dhacay aanay wasaaradu ku shaqo lahayn.

“Waxaanan leeyahay wasaaradda hawlaha guud oo wasiirkeedu ugu horeeyo iyo golaha degaanka ee degmadda Laascaanood, ee aan anigu odayga u ahay, in aanaan marnaba ilaawi doonin. Inagoo shaqo qaran wada qabanay”ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Hada-na sida gaarka ah ee aad isaga xil saarteen, in aanaan marnaba ilaawi doonin ayaanu cadaynaynaa.

Wasiirka waaanu wada hadalnay, arrimihii waanu isla fahamnay. Kolay wasaaradda iyo kooxaha Hargaysa wax shaqo ah kumay lahayn”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here