Badhasaabka Maroodijeex Oo Amar Ku Soo Rogay Hudheeladda Hargaysa

0
733

Hargaysa (HP): Badhasaabka gobolka Maroodijeex ayaa soo saaray amar lagu farayo mulkiileyaasha hudhaaladda Hargaysa in aan hudheeladoodda lagu qaban karin xaflado ama shirar aan ogolaanshiyo looga haysan maamulka gobolka.

Waraaqdaasi amarka ah oo uu ku seexan yahay badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xasan Axmed, ayaa lagu socod siiyay mulkiileyaasha hudheeladda ku yaalla caasimadda Hargaysa in aan lagu qaban karin xaflado ama shirar.

Marka laga reebo xafladaha aroosyadda iyo meheradda, kuwaasoo iyagna aan la ogolayn xiliyadda danbe ee habeenkii.

Waxaana lagula socod siiyay ama lagu ogaysiiyay waraaqdani tliyeyaasha booliska ee qaybaha Bariga iyo Galbeedka caasimadda Hargaysa, taliyaha guud ee ciidamadda booliska, maayarka caasimadda Hargaysa  iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Amarkaasina waxaa lagu yidhi sidan, “Dhamaanba mulkiileyaasha hudheeladda caasimadda Hargaysa, waxaa la farayaa lagu-na adkaynayaa  in aan lagu qaban karin hudheeladoodda shirarka iyo xafladaha aan ogolaanshiyaha looga haysanin maamulka gobolka Maroodijeex.

Marka laga reebo xafladaha meheradda, aroosyadda, iyadoo la ilaalinayo habeenadda wakhtiga loo cayimay”.

“Sidaasi darteedna cidii u hogaansami wayda go’aankan waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan”ayaa lagu soo gebagabeeyay waraaqdaasi ku saxeexnaa badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xasan Axmed.

Geesta kale amarkan uu soo saaray badhasaabka gobolka Maroodijeex ayaan la cadayn karin in ay guud ahaanba u hogaansami doonaan mulkiileyaasha hudheeladda Hargaysa, maadaama oo ay yihiin meherado ganacsi.

Dhinaca kale amarkan uu soo saaray badhasaabku ayaa ku soo beegmaya xili uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya xisbiyadda mucaaradka ah iyo xukuumadda.

Waxaana loo arkaa in u jeedadda ugu weyn ee amarkan laga leeyahay ay tahay mid lagaga hor tegayo in aanay masuuliyiinta xisbiyadda mucaaradku ay qabtaan shirar warbaahineed oo ay ku dhaliilayaan xukuumadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here