“Caafimaadku waa xilka ugu qaalisan ee ugu qiimaha badan”…

0
375

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in mihnadda caafimaadku ay tahay xilka ugu qaalisan ee la qabto.

Waxaanu tilmaamay in dhakhaatiirta iyo dadka ku shaqeeya ama bixiya addeegyadda caafimaadku in ay yihiin dadka ugu qiimaha badan, maadaama oo ay la macaamilayaan bulshadeena dadka ugu nugul.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa kaloo uu amaanay dhakhaatiirta reer Somaliland kaalintii ay ku lahaayeen dib u dhiska dalka iyo horumarkiisa. Kuwaasoo uu tilmaamay in ay soo mareen xaalado adag oo ay ku soo shaqeeyeen.

Waxa kaloo uu sheegay wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland in dhakhaatiirtu ay yihiin kuwa dadka ugu mudan, isla markaana u haya shaqo aad u muhiim ah.

 

DAAWO: Wasiirka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here