Shirkadda Waddaniga ah ee ENZO oo Qalab ay ku Baxday $200,000 Doollar ku Wareejisay Guddida Heer Qaran ee Covid-19 + SAWIRRO

0
1149

Hargeysa (HargeisaPress)- Shirkadda waddaniga ah ee la yidhaahdo ENZO, ayaa Caasimadda Hargeysa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey agab iyo qalab caafimaad oo wax weyn ka taraya la-dagaalanka iyo xakammaynta xannuunka Covid-19, kaasoo ay dhawr bilood ka hor dowladdu ku siisay qandaraas, balse duruufo ay ka mid yihiin kala-xidhankii adduunku ay dib-u-dhac ku keentay in xili hore qalabkan la soo gaadhsiiyo dalka.

Guddida heer Qaran ee Ka-hortaga iyo Xakammaynta Xannuunka Covid-19 ee uu Guddoomiyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa qalab caafimaad oo dawladdu soo iibsatay kala wareegtay Shirkadda ENZO, iyadoo qiimaha ku baxay soo iibinta iyo samaynta qalabkan kala duwan uu dhan yahay $200,000 (laba boqol oo kun) oo doollar.

 “Waxa aannu wareejinay alaab ay dowladdu leedahay oo ah qalab caafimaad oo ku saabsan Covid-19, waana alaab culayskeedu ku dhaw yahay laba tan (2 tons), una badan alaab gaar ah oo ay ka mid yihiin mishiinnada casriga ah ee naqaska ka soo saara sambabada (ventilators), qalabka gacmaha lagu maydho, af-gashiyo (masks) iyo qalabkan jidhka ilaaliya ee ay isticmaalaan adeegayaasha caafimaadku, qalabkaas oo ay ku hawlgeli karaan in ka badan saddex kun (3,000) oo adeegeyaal caafimaad ah, markaa anagu haddii aannu nahay Shirkadda ENZO waanu soo fududaynay in qalabkaas dowladdu leedahay la soo iibiyo, dalkana la keeno, iyadoo ay dalabka qalabkana ay lahayd dowladdu.” Sidaa waxa yidhi Yusuf Hussien Abdalla u hadlay shirkadda ENZO.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo isna goobta ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shirkadda ENZO oo uu xusay inay dedaal iyo dhibaato badan la soo martay sidii qalabka muhiimka ah loo soo iibin lahaa, dalkana loo keeni lahaa, waxaannu yidhi; “Runtii Shirkadda ENZO waxa ay ku guulaysatay inay inoo keento maanta qalabkan caafimaad oo dowladdu dirtay, dhib badan ayaana ka qabsatay oo in badan ayey diyaaradihii xannibnaa iyo samayntii qalabkan oo iyaduna kuyuu dheer galay ay ku habsaantay, balse waxa maanta dhammaantayo farxad noo ah in aynu qalabkaas halkan kagala wareegno, qalabkaas oo qiimaha ku baxay uu ugu dhawaan dhan yahay $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) oo ah cashuurtii ummadda laga soo ururiyey oo wax loogu qabtay, qalabkalena uu inoo soo socdo oo la soo samaynayo.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Md. Cumar Cali Cabdillaahi oo faahfaahin ka bixiyey qalabka ay dowladdu soo iibsatay ee la soo gaadhsiiyey Caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waxa aannu u mahadcelinaynaa Shirkadda ENZO oo ah shirkad waddani oo ku guulaysatay inay soo iibiso agabka qaybtii ugu horaysay ee uu qarankani u dalbaday in lagaga hortago, lagu daweeyo ama lagula dagaalamo xannuunkan Covid-19, aad iyo aad ayeyna u mahadsan yihiin, runtiina dedaal xoog leh ayey ka galeen iyadoo la ogyahay culayska adduunka ka haysta iibsiga, soo qaadista iyo keenistaba oo labaduba ay culays badan ku hayaan Adduunka, markaa waxa aannu uga mahadcelinaynaa inay soo iibiyaan qalabkii loo diray oo tayo wanaagsan, tiradiisuna ay dhan tahay oo meelaha qaarkood ay ka soo badiyeen intii aannu ka dalbanay.”

Waxaannu Wasiirka Caafimaadku intaas ku daray; “Waxa aannu halkan kula wareegaynaa waa weji-gashiyadii (face masks) ay dhakhaatiirtu isticmaalayeen oo la yidhaahdo N95 oo 400 (afar boqol) oo xabbo ah, 15 kun oo ah weji-gashiyadan caadiga ah ee dadka loogu talogalay, 1200 (kun iyo laba boqol) oo xabbo oo ah waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo ama lagula dagaalamo jeermiska, qalabka lagu eego xummadda oo ah boqol xabbo, waxa kaloo ku jira dharka ay xidhaan shaqaalaha caafimaadku ee dhammayska tiran oo ah 2200 (laba kun iyo laba boqol) oo xabbo, waxa kaloo ku jira qalabka loo adeegsado shaybaadhka dhakhsaha ah ee xannuunkan ah 2200 (laba kun iyo laba boqol) oo xabbo ah, inkastoo qorshihii hore uu ahaa inay keenaan 1500 (kun iyo shan boqol), waxaanad dareemaysaa inay halkaas ay si wanaagsan tirada u soo kordhiyeen oo ay dheeraad ugu soo dareen, waxa kaloo ku jira, waxa kaloo ku jira qalabka la xidhanayo ee wejiga la iskaga gaashaamayo marka lala dhaqmayo ama uu dawaynayo qof xannuunka qaba ama looga shakisan yahay (face field), waxa kaloo ku jira qalabkan dadka ka soo saaraya naqaska (ventilators) oo ah qalab casri ah, gacantana lagu qaadan karo oo iyagu samaysanaya ogsojiintooda oo 10 xabbo ah, markaa aad ayaannu ugu mahadcelinaynaa, waxaanan aamminsannahay inay tahay dedaalkaas aynu ku jirno ee qaranka oo wixii dadka laga soo ururiyey ee cashuurta ahaa in aannu qaran ahaana u isticmaalno in dadkii lagu badbaadiyo, kolna ay dadkeennii ama shirkadaheennii ay qayb ka noqdaan dedaalka iyo qayb-ka-noqoshadii.”

Madaxweyne-ku-xieenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay, ayaa u mahadceliyey shirkadda ENZO sida ay uga soo baxday ballantii, una oofisay heshiiskii ay la gashay Dawladda Somaliland.

“Waxa aannu u mahadnaqaynaa Shirkadda ENZO oo aannu halkan kaga guddoomayno maanta (Arbaca, 08 July 2020) alaabtii ay qandaraaska ku heleen oo ah alaabtii aannu ka dirnay dhaqaalihii Xukuumadda ama qaranka oo dhan $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar) oo muddadaas dheer ama ay intaas la soo rafanayeen xidhxidhnaanshihii Adduunyada, tacab badana ka soo gaadhay, balse waxa Ilaahay Mahaddii ah in alaabtii oo nabad ah ay maanta ina soo gaadhay oo ay keeneen, iyagoo dedaal badan u galay, meel walbana u soo maray sidii ay alaabtaasi u keeni lahaayeen, wayna ku mahadsan yihiin inay ballankii iyo heshiiskii lala galay soo fuliyaan, waanan ka guddoonnay alaabtii aannu u diray oo dhan,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here