Madaxweynaha Liberia oo shaqada ka eriday wasiiro xukuumadeeda ka tirsan

0
938

Ellen-Johnson-Sirleaf-006Monrovia , (HargeisaPress) — Madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf ayaa maanta oo Axad ah shaqada ka eriday 10-xubnood oo ka tirsan golaha wasiirrada dalkaas, kaddib markii ay fulin waayeen amar ay horay u soo saartay oo ahaa inay muddo ku siman hal toddobaad ay magaalada Manrovia kusoo laabtaan.

Ellen Sirleaf ayaa wasiirrada ay shaqada ka eriday maanta ka dalbatay inay dib ugu soo laabtaan dalkooda si ay qayb uga qaataan dagaalka lagula jiro cudurka halista ah ee Ebola oo 2,400 oo qof ku dilay tan iyo markii uu ka dillaacay dalalka galbeedka Afrika ku yaalla qaarkood.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurka Ebola uu ku dilay dalka Liberia oo keliya 1,137-qof, lagana helay dalkaas 2,081 kiis oo cudurkan la xiriira, iyadoo cudurkuna uu weli fara ba’an ku hayo dalkaas.

“Madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf waxay shaqada ka eriday 10 wasiir oo ka tirsan xukuumadda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskeeda maanta oo Axad ah. “Wasiirradaas waxay na tuseen inaysan dan ka lahayn dalka oo la hardamayo dhibaatooyinka cudurka Ebela.”
Wasiirrada shaqada laga eryay ayaa waxaa ka mid ah; Victoria Sherman-Lang oo ahayd wsiir ku xigeenkii wasaaradda lacagta iyo Wheatonia Dixon-Barnes oo ahayd wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada.

Shan ka mid ah wasiirradan ayaa la sheegay inay dalka ka baxeen iyagoo aan wax ruqsad ah ka haysan madaxweynaha dalkaas, sidoo kalena laga soo wariyay inay ku taliyeen inaysan doonayn mushaaraad iyo faa’iidooyin kale tan iyo inta ay dalka dib ugu soo labaanayaan.

Madaxweynaha Liberia ayaa sheegtay bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay inay shaqada ka eryi doonto wasiirrada iyo xubnaha kale ee dowladda haddii ay dib ugu soo laaban wayaan dalka muddo toddobaad gudihiis ah.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here