“Xeerka cusub ee Waxbarashadu wuxuu khilaafsan yahay Xeerka guud”…

0
599

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta War-bixin siiyay gole-weynaha  baadhitaan ay ku sameeyeen Xeerka cusub ee Wasaaradda Waxbarashadu u samaysay inay ku maamusho Waxbarashada.

Waxaanay Guddigu sheegeen In Xeerkaasi meelo  ka mid ahi uu khilaafsan yahay Xeerka guud ee Waxbarashada.

Sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha Wakiillada xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale  oo war-bixinta guddiga joogtada u bandhigay golaha.

Waxaanu sheegay in iyagoo kaashanaya la taliyaha sharciga ee golaha Wakiillada ay ogaadeen in Xeerka cusub ee wasaaradda Waxbarashadu khilaafsan yahay Xeerka guud ee Waxbarashada Somaliland.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Guddi ahaan waxaanu eegnay Xeerka ay dugsiyada Waxbarashada ee gaarka ahi ka cabanayeen.

Waxaanu helnay in xeerkaasi uu qodobbo badan ku khilaafsan yahay xeerka Waxbarashada Xeer Lr 77, wixii laga cabanayey oo dhana waxaanu u gudbinay Shir-guddoonka Golaha Wakiilada”.

Golaha Guurtida ayaa iyaguna hore sidan oo kale u sheegay in Xeerkaasi khaldan yahay, ka dib markii Maamuleyaasha Dugsiga gaarka loo leeyahay u gudbiyeen Cabasho la xidhiidha deeq Waxbarasho oo dhan 400 Arday oo Dawladda Itoobiya siisay Somaliland isla-markaana Dawladdu ku koobtay Ardayda dugsiyada Dawladda.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here