KULMIYE oo abaabulaya Qorshe La doonaayo in Lagaga Takhaluso Suldaanka Guud ee Subeer Awal

0
1129

HARGEISA , (HargeisaPress) — Guud ahaan Dadweynaha Reer Somaliland, gaar ahaana Beesha Subeer Awal oo Maalmihii u dambeeyay la socday dhaqdhaqaaqyo Xukuumaddu ku doonaysey inay diyaariso Odayaal ka jawaaba hadallo uu Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ku soo bandhigay inay ka shaqeyso Hagar-daamada Beel-weynta uu Hoggaamiyo, ayaa haddana waxa soo baxaya Warar ah in Qorshahaasi lagu wareejiyey Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Xisbul-Xaakimka KULMIYE, si u sii wado dedaallada lagu soo abaabulayo Odayaal jeebabka loo buuxiyey oo ka daba hadla isla-markaana Xajiimeeya Suldaanka Guud.

 

Mareegaha Internet-ka qaarkood, ayaan Xalay ku arkay In Guddoomiyaha KULMIYE isku dubba-riday Koox Odayaal ah oo loo soo laqimay Kalmadaha ay Suldaanka Guud ku weerarayaan, iyaga oo difaacaya Xukuumadda, iskana dhigaya inay ku hadlayaan Magaca Beesha Subeer Awal.

 

Laakiin, Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah Muuse Biixi markuu dhaqaale badan ku kharash-gareeyo Odayaal la mid ah kuwii la odhan jiray Maxkamadaha ayay been kaga dhaartaan oo kharash-bay qaataan, ma wuxuu moodayaa in wax u qarsoon yihiin, haddiise Beeshu ka samirtay hadalkii ahaa Maxkamad hala saaro Salaadiintii loo xidhay qadiyadda Waqooyiga Hargeysa, miyaanu ogeyn in Mustaqbalkiisa Siyaasadeed ku xidhan yahay Beeshan uu ka dhashay ee uu doonayo inuu Suldaankeedii Guud Dad u soo kireysto.

 

Miyaanu ogeyn in Hab-dhaqankan lidka ku ah Saldannada Subeer Awal waddada u xaadheyso Xisbiga WADDANI oo geed dheer iyo Mid gaabanba u fuushan siduu Codka Subeer Awal ku heli lahaa. Miyaanu ogeyn Muuse Biixi in Dagaalka Xukuumaddu ku hayso Beesha Subeer Awal inuu dhaawac ku yahay waxa uu hiigsanayo.

 

Mujaahid Cali Gurey baa laga hayey Madaxtooyadu iyadaa dileysa Muusahaa ay Sharraxday, waayo? Tallaabo kasta oo ay qaaddaa isaga ayay dileysaa. !!

 

 

W/Q: Cabdicasiis Daahir saleebaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here