Dagaalka Udhexeeya Muuse Biixi iyo Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Oo Meel Xasaasi Ah Maraya Iyo Kulanka Waji-Kumacaashka Green-Place Oo Rabshado Looga Baqayo

0
998
Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan

HARGEISA , (HargeisaPress) — Ergooyinka ukala dab qaadayey Labada Dhinac ayaa, ku guuldareystey kadib markii uu Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku adkeystey in aanay baajinaynin kulanka Huteelka Green-Palace  ee Magaalada Hargeysa kulankan oo ah mid u dhigan waji-kumacaashkii lagu adyadeynayo Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi islamarkaana ka yimid dhinaca Gudoomiyaha Kulmiye iyo Ganacsato ka taageera arimaha Loolanka.  Qeybo badan oo kamid ah taageerayaasha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ayaa, ka odoyeeyay arintan islamarkaana, isku dayey in labada dhinac laga joojiyo kulamada ay ku qabsanayeen Huteelka Xara fee Magaalada Hargeysa iyo kan Gudoomiyaha xulafadiisa oo lagu wado in uu ku qabsoomo Huteelka Green Palace ee Magaalada Hargeysa.

 

Inkastoo Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan iyo ergooyinka madaxdhaqameedka iyo shacbiga taageersan ee Beesha Subeer-Awla aqbaleen in ay baajiyaan kulankii Huteelka Xaraf iyadoo ergooyinka ka dalbadey joojinta ay xubno ka ahaayeen Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Muuse Diiriye,iyo Wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Cadare hadana waxa ay ku guuldareysteen taageerayaal badan oo kaadariyiin u ah xiligan Murashaxa Kulmiye in Muuse Biixi iyo xulafadiisa lagu qanciyo arintan kadib markii ay galinkii hore ee la ergeynayay Suldaanka Guud ee Subeer-Awal xiisadooda qaboojiyeen hadana waxa ay mar kale hawshoodii iska sii wateen galinkii dambe ee caweysinkan caawa taas oo Cali-Gobanimo iyo rag kale si xoog ah uga hawlgaleen in kulanka Waji Kumacaashka ah ee Huteelka Green-palace sidii loogu talagaley u qabsoomo.

 

Qeybo badan oo kamid ah Shacbiga kasoo jeeda ardaaga Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo Shabakada HargeisaPress.com lasoo Xidhiidhay ayaa Sheegay in Xukuumada iyo Wasiirada katirsan ee ergada galey maanta laf ahaantoodu ahaayeen, hoosaasin islamarkaana, aaney aqbali doonin madal lagu xajiimaynayo Suldaanka Guud taas, oo keeni doonta sida ay hadalkooda u dhigeen tafaaruq kuyimaada Taageerada Muuse Biixi ee Beelaha Sacad-Muuse iyo Mushkilad ka dhacda isla goobta arintaasi lagu qabanayo ee Huteelka Hargeysa.

 

“Horta waxa Ayaan daro ah in Reerka dhan ee Sacad Muuse ay dhooba walaaqaan Cali Gobanimo oo aynu garaneyno iyo Muuse Biixi oo Mijir khasab murashax lagaga dhigay ah iyo ninka kale ee ka dambeeya,laakiin taasi waa tii Muusena ku jabayay Sacad Muusena ku naaqusmayey ee hala eego waxa ay dhasho”Sidaa waxa yidhi Cali Nuur Buur oo kamid ah qoyska Saldanada oo sheegay in uu galinkii dambe kasoo kicitimay Harta-Sheekh Axmed. Sikasta oo ay tahey talaabadan ayaa lagu wadaa mid ay kawada socdaan Xukuumada iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, waxaana siweyn looga dareemayaa gudaha Magaalada Hargeysa xiisada khilaafka cakiran ee Mudooyinkii u dambeeyay u dhexeeyay Suldaanka Guud ee Subeer-Awal iyo Muuse Biixi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here