Kulan Dhexmaray Guddiga Joogtada Ee Golaha Guurtida iyo Masuuliyinta Xarunta Dhaqanka Hargeysa

0
1793

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibanada guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd, ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, waxaana uu sheegay in mudanayaasha golahaasi Guurtidu ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan xarunta dhaqanka waxay u igman tahay iyo waxay qabataba.

Waxaanu tilmaamay gudoomiyuhu in ay gudidaasi ka wadahadleen waxyaabihii gudidaasi ay wax ka weydiiyeen, halka uu sidoo kalena uu xusay gudoomiyuhu in ay mudanayaasha gudida joogtada ah golaha Guurtida ay wado yeelan doonaan kulamo dambe.

Ugu dambayn gudoomiyaha guddi hoosaadka joogtada golaha Guurtida Somaliland Dayib Xasan Axmed oo ka warbixinaayay kulankaasi ay la yeesheen masuuliyiinta xarunta dhaqanka Hargeysa, ayaa sheegay in arrimihii ay kala kulmeen xaruntaas ay warbixinteeda dib ugu celin doonaan golaha guurtida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here