Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Shaaciyay In La Isticmaali Karro Lacagta $50 Ah

0
1233

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdadi), ayaa shaaciyay in si rasmiya loo isticmaali karro kontonka dollar ee lacagta Maraykanka ah.
Kadib muddo dhawr bilood ah oo uu hakad ku jiray isticmaalka kontonka dollar ee suuqyadda wax kala iibsiga iyo sarifka ee Somaliland.
Taasoo ka dhalatay in ay dalka soo gashay lacag Foojeri ah oo kontonka dollar ee Maraykanka ah.
Shaacinta isticmaalka kontonka dollar waxa uu guddoomiye Baqdaadi, ka sheegay shir ay maanta xarunta baanka dhexe ee Hargaysa ku yeesheen madaxda baanka dhexe, shirkadaha xawaaladaha lacagta ee gaarka loo leeyahay, iyo ururka sarifleyaasha, rugta ganacsiga Somaliland oo ka wakiil ah ganacsatadda dalka.


Waxaana shirkaasi laga soo saaray go’aamo ay isla qaateen baanka dhexe ee Somaliland iyo shirkadaha iyo sarifleyaasha lacagaha ka shaqeeya.
Geesta kale guddoomiyaha baanka dhexe waxa kaloo uu digniin u diray cid kastoo lagu qabto lacagaha foojeriga ah, in tallaabo laga qaadi doono.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here