Kulan Dhexmaray Baarlamaanada Somaliland iyo Sweden

0
1237

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida arrimaha dibadda ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Sweden oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa, ayaa kulan laba geesood ah ku qaatay xarunta golaha Wakiillada.

Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamanka Sweden oo kala ahaa MP Magnus Berntsson oo ah Guddoomiyaha guddida arrimaha dibada Baarlamaanka Sweden iyo MP john E. Weinerhall, ayaa booqasho ku yimid Somaliland.

Kulankan laba geesoodka ah waxaa kale oo ka qayb galay Mikeal Torstensson oo ah Wakiil sharafeedka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Xirsi Wadaad-yare oo ah muwaadin Somaliland u dhashay oo Sweden degen.

Xubnaha guddida arrimaha dibada ee gollaha Wakiillada Somaliland., ayaa mudanayaasha baarlamaanka Sweden ka socday uga waramay xaaladaha Somaliland, marxaladihii ay soo martay iyo sida ay u danaynayaan iskaashi saxiibtinimo oo dhexmara labada baarlamaan, iyo labada dawladood ee Somaliland iyo Sweden.

Waxaa kale oo ay ka wadahadleen marxaladaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika haatan ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here