Kormeerkii Madaxweyne Kuxigeenku Ku Sameeyay Gobolada oo Shacabku Xogo Xiisa Baddan Kala Kulmeen Mashruuca JPLG-ga

0
681

Hargeysa,(HargeisaPress)-Marka Xaqiiqda laga Hadlayo, Islamarkaana, La Qiimaynayo guud ahaanba Inta Laga Qabtey Degmooyinka Waaweyn ee Somaliland Sida Dhismayaasha Jidadka, Bilicda kale  iyo Wixii Soo raaca ee ku Taxaluqa Adeegyadda Aasaasiga u ah Bulshada Waxa Kaalinta koowaad kujira Waxqabadka Muuqda ee Mashruuca GplG ee uu Gadhwadeenka ka yahey Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) Kaas oo Qeyb ka ah Mashaariicda kabka ah ee Dowllada  Dhexe Ku Kabto Hurumarinta Degmooyinka iyo Gobolada  Dalka.

Waxaanay Xukuumada Dhexe la kaashataa   D/hoose  Degmooyinka, oo ay Islamarkaana,Si joogto ah ugu Kormeerta fulintiisa Taasi oo Run ahaantii noqoneysa, Waajibka Xukuumada iyo Dowlada Dhexe ka Saaran, in ay Tixraac ku Sameyso Wixii Maamul Daadajin ah ee Dhinaceeda ka Yimaada.

Xiisaha ka Dhashey Xogaha kasoo baxey, Kormeerkii Indhawaale Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), kusoo marey Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ee laga hirgaliyay, Mashruuca Gblg Waxa sitoos ah loogala Socdey Tabinta Warbaahinta iyo Socdaalkii Madaxweyne Kuxigeenka Taas, oo Arimo badan oo ay soo bandhigeen Gobolada iyo Degmooyinka Qaarkood ay isaga laf ahaantiisa(Cabdiraxmaan-Saylici), Xumada ka dajisey isagoo, markii hore ka shaki Qabey in aan Gobolada Qaarkood Sidii loogu talagaley, aan Waxba looga qaban Tusaale ahaana kuwa ka shakisanaa ay uga Soo baxeen in Ay dedaal badan muujiyeen, haba kamid ahaadeen Gobolada ugu Bariyeeya inta Mashruucani gaadho sida Gobolka Togdheer, halka geesta kalena aanu indhaha ka Ceshan balse, uu ka badheedhay in uu Isla fagaaraha laftiisa ku Canaanto Maamulkii Golaha Deegaanka Degmada Boorame, oo lama filaan baddani kaga Soo baxey Madaxweyne-kuxigeenka.

Waxa kale oo Xogaha Xiisaha baddan ee Kormeerkii Madaxweyne Kuxigeenka ee Mashruuca Gblg kasoo baxey in Cabdiraxmaan-Saylici(Madaxweyne Kuxigeenka Qaranku), aamus kaga Jawaabey, Qaar Kamid ah Maamulada Degmooyinka Dalka kuwaas oo uu Markii hore aad u tuhunsanaa, Waxa kale oo iyaguna jirra Maamulo kula taliyay in aaney Waxqabadyadda Adeegyada aasaasiga u ah Bulshadooda ku Koobin dhismayaal iyo Ranjiyayn kaliya haseyeeshee, ay Resourceka ku Celiyaan Bulshada oo ay Kaabis iyo Dhaqaale Celin ku Sameeyaan Shacabkooda, islamarkaana, ay Lacagta Cashuurta ahi dib ugu noqoto Shacabkii lqga Qaadey, oo aan Magaalada Caasimada ah oo kaliya Wax laga soo iibsane Maamullada D/hoose ee Degmooyinku ay Wixii baahiyaadka guud ah Wax ka iibsadaan Meheradaha Ganacsi ee Degmadaasi taas oo qeyb ka ah kor ukaca iyo kaabista dhaqaalaha Bulsho ee Gobol iyo Degmaba Koobka Shaaha ahi ha u Yaraadee.

Kormeerkan Madaxweyne-Kuxigeenka qaranka Somaliland iyo Mashruucan Gblg Waxqabadkiisa ayaa Doorweyn ku Yeelanaya Dhaqdhaqaaqyada Xukuumadan ee Labadii.Sanno iyadoo Kaalin Weyn ka buuxin Doonta Warbixin Sanadeedka Xukuumada ee Sanadka sii galbanaya 2019ka.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here