Komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Oo Ka Hadlay Waxyaalaha U Qabsoomay

0
1292
Chairman of Somaliland Good Governance and Anti-Corruption Commission Mr. Ahmed Mohummed Madar

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland, Axmed Muxumed Madar ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlay waxyaalaha u qabsoomay komishankan iyo waliba qorshohooda ku aadan maamul wanaaga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa.

War-saxaafadeedkaasi oo dhameystiran ayaa waxa uu u dhignaa sida

WARSAXAAFADEED

Ujeedo: Xuska Maalinta Caalamiga ah Ee Ladagaalanka Musuqa Adduunka (December, 9th, 2016).

Maanta oo ay taariikhdu tahay 9ka December, 2016, oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee ladagaalanka aafada Musuqmaasuqa, Waxa uu komishanka Maamul wanaaga iyo ladagaalanka Musuqumaasuqa hal-kudheg uga dhigay “Aan takoorno isbahaysiga Musuqa”.

Komishanka Maamul-wanaaga waxa uu ku wargalinayaa dhamaan hay’adaha xukuumadda iyo bulsha-weynta Somaliland inay takooraan isbahaysiga musuqa si loo helo maamul-toosan iyo bulsho u heegan ladagaalanka musuqa iyo wax-isdabamarinta loona gaadho heer aan loo dul-qaadan Karin Musuqa (Zero Tolerance of Corruption).

Sida lagu ogaaday  daraasad  uu komishanka Maamul-Wanaagu sameeyey goobaha u nugul in musuqmaasuq ka dhaco waxa ka mid ah:- Nidaamka bixinta Qandaraasyada Qaranka, Maamulka Cashuuraha, Goobaha Dakhliga ururinta, Garsoorka iyo Caddaalada, Saacadaha shaqada, iyo kutagrifalka awooda dawladeed.

Sidaa darteed, Musuqmaasuqu waa aafada ugu weyn ee waxyeelaysa dhaqaalaha, shuruucda, dawladnimada isla markaana horseeda caddaalad darro, faqri iyo Maamul-xumo baahsan oo wada saamaysa dhamaan hay’adaha dawladda.

  1. Waxyaabaha u Qabsoomay Komishanka
  2. Komishanku waxa uu dib-ueegis ku sameeyey hanaanka Maamul ee wasaaradaha, Waxbarashada, Qorshaynta, Caafimaadka, iyo wasaarada Arrimaha Gudaha oo ah wasaaradaha ugu waaweyn dalka,
  3. Komishanku waxa kale oo dib-uhabayn ku sameeyey Dawladda hoose ee Wajaale oo ay ka jirtay dhibaato dhinaca maamulka ah,
  4. Komishanku waxa uu hirgaliyey Daraasadadii ugu horraysay ee laga sameeyo ladagaalanka Musuqa (National Corruption Perception Survey).
  5. Qiimayn iyo Darsid Ku sameeyey ilaalinta saacadaha shaqada qaranka,
  6. Komishanku waxa uu baadhis ku sameeyey qaarka mid ah wasaaradaha dawladda,
  7. Waxa uu fuliyey kormeer, Qiimayn iyo xog-waraysi uu la yeeshay dhamaan wasaaraha dawladda iyadoo uu sanadka 2017 uu xog-waraysi dhinaca shaqada ah la yeelan doono dhamaan hay’adaha Madax banaan ee qaranka (government Agencies).
  8. Qorshaha Komishanka

Si loo dardar galiyo ladagaalanka musuqa, komishanka waxa u qorshaysan inuu hirgaliyo hawlaha hoos ku qoran:-

  1. In xukuumadda iyo Goleyaasha Qaranka laga helo rabitaan dhab ah oo ku aadan ladagaalanka Musuqa.
  2. In dib-ueegis lagu sameeyo xeerka Komishanka Maamul-wanaaga iyo ladagaalanka musuqa isagoo la kaashan doona Xukuumada iyo Goleyaasha sharci dejinta.
  3. Diwaan-galinta Hantida Masuuliyiinta ay xukuumadu u magacaabayso xilalka si looga hortago in masuulka la magacaabay aanu si sharciga baal marsan uga faaiidaysan xilka loogu igmaday inuu bulshada ugu adeego.
  4. Samaynta daraasad ku saabsan fikirka bulshadu ka qabto arrimaha maamul-wanaaga (National Good Governance Perception Survey).
  5. In dib-u-habayn lagu sameeyo Hannaanka Maamulka Dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ee dalka, lana hirgaliyo kuwii hore loogu sameeyey (functional Review).
  6. In komishanku hirgaliyo barnaamuj ballaadhan oo wacyigalineed oo ku saabsan la dagaalanka musuqa kuna salaysan kudhaqanka caqiidada islaamka.
  7. In la kormeero hab-sami-u-socodka maamulka hay’adaha qaranka isla markaana Baadhista iyo dabagal lagu sameeyo  galdaloolooyinka maamul ee jira (dhamaan Dhaqamada Musuqa).
  8. In komishanku hubiyo hirgelinta qorshe-hawleedyadda Hay’adaha Dawladda
  9. In komishanku ka shaqeeyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dabagalka (Supreme Audit Institutions).
  10. In la dhiirigaliyo lana kobciyo ururada bulshada ee ka qaybqaata ladagaalanka Musuqa.
  11. Nidaamka Gurmadka Abaaraha.

Gurmadka loo samaynayo dadka ku tabbaalaysan abaaraha waxa ka jira isku-xidhnaan la’aan gaar ahaan hawlaha ay fulinayaan wasaaradaha ama hay’adaha ay khusayso iyadoo masuul waliba uu gaarkiisa uga qayb-qaadanayo gurmadka Abaaraha.

Sidaa darteed, Komishanku isagoo ka eegaya dhanka maamul-wanaaga, wuxu ku talinayaa in dhamaan hay’adaha dawladda ee sida gooni goonida ah u wada gurmadka abaaraha ay la midoobaan Guddida Abaaraha ee Heer qaran si loo mideeyo hawl-galada Sabata bixinta dadka ay abaaruhu aafeeyeen.

  1. Gunnaanad

Komishanka Maamul Wanaaga iyo ladagaalanka Musuqmaasuqu, waxa uu ka codsanayaa xukuumada, Goleyaasha Qaranka Muwaadiniinta, Ururada bulshada iyo hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland inay iska kaashadaan sidii loo takoori lahaa isbahaysiga musuqmaasuqa.

 

Taasoo inoo horseedi karta in la helo bulshadoo wacyigashan la xisaabtami karta Masuuliyiinta loo igmaday socod siinta hawlaha qaranka iyo ku dhaqanka xeerarka khuseeya maamul-wanaaga iyo ladagaalanka Musuqmaasuqa ee dalka (JSL).

 

Allaa Xusid Mudan

Axmed Muxumed Madar

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here