Komishanka doorashooyinka oo Ka Hadlay Dib u Dhigista diiwaangelinta iyo Nuxurka Laba Warqadood Oo Madaxwayne Siilaanyo Usoo Gudbiyay

0
947

HARGEISA , (HargeisaPress) —Gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa manta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta komishanka waxay kaga hadleen qoraal laba warqadood ah oo uu gudida komishanka usoo gudbiyay madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo.

 

Waxaana gudidu ay sheegeen in nuxurka labadan warqadood ee madaxwaynuhu so gudbiyay ay kala yihiin waqad codsi ah oo uu madaxwaynuhu ku dalbanayo in muddo hal bil ah layara hakiyo diiwaangalinta codbixiyayaasha eek a socota gobolada dalka isla markaana laga wada qayb qaato halkaa bil in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

 

Warqada labaad oo uu manta madaxwaynuhu u gudbiyay gudida komishanka ayaa nuxurkeedu daaran yahay  ogeysiin uu madaxwaynuhu ogaysiinayo gudida in warqad uu u direy madaxweynuhu  baarlamaanka oo uu kaga  dalbanayo in qodob ka  mid ah xeerka diiwaangalinta cod bixiyaasha lagu sameeyo  kaabis iyo wax ka bedel.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka Warka.

 

Dhanka kalena gudida komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ka dhawaajiyay in madaxwayne siilaanyo uu damaanad qaaday inaanay doorashooyinku aanay dib uga dhacayn xiligii loo qoondeeyey ee ahaa inay qabsoonto  bisha March sanadka sanadka fooda inagu soo haya ee 2017.

KOMI

Waxaana gudidu ay gabagabadii shegeen inay aqbaleen warqadaa uu madaxwaynaha Somaliland usoo gudbiyay gudida ee uu kaga codsanayo in hal bil layara hakiyo diiwaangalinta codbixiyayaasha ee gobolada dalka ka socota.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here