Khasaaraha Ka Dhashay Rabshadii Hargeysa Stadium Iyo Magacyada 8 Ruux Oo La Sheegay Inay Xabadi Ku Dhacday –

0
708

Hargeysa, (HargeisaPress) —Inta la ogyahay 25 ruux oo shacab ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay rabshado shalay ka dhacay natiijada ciyaartii dhex martay gobalada Hawd iyo Daad-madheedh. 8 ruux oo ka mid ah dadkan shacabka ah ayay ku dhacday rasaasi. Waxa kale oo iyaguna dhaawac ah 7 askari oo ay dhagaxaani ku dhacday.

 

Dadka dhaawaca ah ayaa isugu jira qaar ay rasaasi ku dhacday, kuwo ay dhagaxaani ku dhaceen iyo kuwo ku dhaawacmay is jiidh-jiidh dhacay markii garoonka laga baxayay. Dhaawac  ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa kuwaas oo ay ku jiraan carruur, haween iyo dhallinyaro. Dhawr ka mid ah kuwa ay rasaastu ku dhacday ayaa xalay ku jiray xaalad halis ah.

 

Sidoo kale askar boolis ah oo iyagana ay dhagaxaani ku dhacday ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Ciidamada Booliska ayaa dhallinyaro markii dambe gadooday ku riday rasaas ay ku kala dareerinayeen, waxaanay xaaladu caadi ku soo noqotay xalay fiidkii.

 

Weriyayaal ka tirsan wargeyska Geeska Afrika oo xalay cawayskii booqday cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa indhahooda ku soo arkay dhaawac gaadhaya 25 ruux oo isugu jira kuwo ay xabadi ku dhacday, kuwo dhagaxaan ku dhaceen iyo kuwo dadkii is jiidh-jiidhayay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen. Dadka ay soo arkeen bahda wargeyska Geeska Afrika waxa ku jira wiil laba 10 jir ah oo ay xabadi kaga dhacday feedhaha.

 

Qoysaska dadkan oo dul taagnaa ayaa sheegay in waxa ku dhacay tahay rasaas.

Magacyada dadka ay rasaastu ku dhacday ayaa kala ah:

  1. Guuleed Cabdiqaadir
  2. Nimco Hurre
  3. Cabdikariin Cabdillaahi
  4. Xamse Axmed Jaamac
  5. Sakariye Muuse Jaamac
  6. Cabdiraxmaan Fu’aad Cabdillaahi
  7. Cabdisalaan Maxamed Muxumed
  8. Sakariye Khadar Jiilaal

 

Hawl-wadeenada cisbitaalka Hargeysa ayaa xalay dedaal xoogan u galay sidii ay u badbaadin lahaayeen dhaawacyada soo gaadhay, kuwaas oo ay u sameeyeen gurmad kasta oo ay ku caawinayaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here