Khasaaraha dagaalka Afgaanistaan W/Q: Khaled Bihi

0
434

April 14, 2021 ayuu sheegay madaxweyanaha Maraykan ku Joe Biden in Maraykanku ka baxayo dalka afgaanistaan, iyadoo taariikhda ka bixidu ay ka bilaabmayso bilawga bisha shanaad ee sanadkan (May 2021), iyadoo la soo gababayn doono ka bixitaankaasna horaanta bisha sagalada ee isla sanadkan (September 2021) [1].  Halkaasna ay kusoo af-meerayso dawlada maraykanku gumaysi soo socday 20 sanno.

Iyadoo ayna wali ka wada bixin dawlada maraykanku, ayuu ururka Daallibaan la wareegay gacan ku haynta Afgaanistaan wax ka yar todobaad. Waxayna ku noqonatay arin lama filaan ah madaxda reer galbeedka iyagoo saadaaliyay inay daalibaan qabsan karto dalka saddex bilood kadib hadiiba ay qabsadaan dalka weeyaane.  

Magaca “Daalibaan” af-soomali ahaan wuxu ku noqonayaa “ARDAY” waana luuqada Bishtuuga (PASHTO) oo ka mid ah luuqadaha rasmiga ah ee lagaga hadlo Afgaanistaan.[2]

Ururkan waxa aasaasay saddex iyo konton arday oo ku noolaa gobolka Qanda Haar (Kandahār), oo dhaca koonfurta Afgaanistaan. Waxaana hogaamiyihii ugu horeyay uu noqday Mulla Omar, sanadii 1994-kii.

Ujeed kooduna wuxu ahaa xasillinta amniga kadib markii uu ka baxay midawgii sufeyti dalka 1989-kii. Ka bixitaan kaas oo abuuray amni daro. Waxayna baneeyeen isbaarooyiinkii lagu baadhi jiray dadka oo caqabad ku ahaa isu socodka bulshada iyagoo bilaabay inay ka qaadan cashuur dadka, waa Daalibaane. Wax yar kadibna waay isku balaadhiyeen dalka, iyagoo qabsaday caasimadii dalka ee Kaabul bishii sagalaad sanadii 1996-kii.

Isla markiiba waxay ku dhawaaqeen imaarada islaami ah waxayna maamulka hayeen ilaa iyo Noofambar 2001-dii, markaas oo maraykan ka iyo xulafadiisu ay la weregeen caasimadii, Daalibaana laga tuuray xukunkii.  

Ayaamihii aynu soo dhaafnay waxay caalamku indhaha ku hayeen afgaanistaan, iyo taalibaan oo si yar oo fudud ula wareegtay mar labaad caasimada Kaabul iyo gabi ahaanba dalka.

Khasaaraha Dagaal

Wargayka TIME waxa uu sheegay Daalibaan markay qabsato magaalo inay la wareegayeen saldhigyada ciidamada iyo xarumaha kaydka hubka, iyagoo gacanta ku dhigay hub faro badan iyo diyaarado dagaal. Hubkan oo dhamaantii ah hub uu sameeyay maraykanku laguna tababari jiray ciidamda afganistaan laguna wareejiyay si ay ula dagaalamaan Daaliban, hal mar ayuu gacanta Daalibaan u galay waxaana lagu qiyaasaa lacagta ku baxday hubkani $83 bilyan oo doolar.  Xaddigan lacageed waxa uu leegyahay miisaaniyada lagu bixiyo ciidamad badda maraykanka oo laban laaban.[3]

Dagaaladii uu galay maraykanku waxa ugu khasare ba’naa laba dagaal oo labuda ay socdeen mudo labaatan sanno ah, waa dagaalki ay ku qaaaday dalkii filibiin iyo kan ay ku qaaday afganistaan.

Dagaalkii ay ku qaaday filibiin waxay bilawday 1955-kii waxaanu socday ilaa 1975-kii, waxaanay dhaqaale ahaan khasaartay $168 bilyan oo doolar, oo hadda u dhiganta lacag gaadhaysa hal tirilyon (One Trillion) oo doolar ah.

Halka khasaaraha nafeed oo ah askarta maraykanka lagaga dilay ay gaadhaysa 58 kun oo askari.

Labada jaamacadood ee BOSTON & BROWN ayaa cilmi baadhis ka sameeyay khasaaraha dhabta ahee ee Maraykan ka kasoo gaadhay dagaalka Afgaanistaan labaatankii sano ee uu soday. Cilmi baadhistan oo uu qoray wargayska ku takhasusay amuraha ciimada ee Military Times ayaa sheegay in wadarta guud ee dhaqaalaha ku baxay dagaalku labaatankii sanno ee uu socday ay gaadhayso 2.26 Tirilyoon doolar ($2.26 Trillion).[4]

Hadii aan fududeeyo tirade ay leegtahay xaddigan lacageed waxay tahay hadii maalinle loo xisaabiyo oo laga soo bilaabo October 2001 ilaa iyo September 2021, waxa khasnadda maraykanka ka baxayay lacag dhan saddex boqol oo milyan ($300 Million) maalin kasta.

Hadii si kale aan u dhigo, lacagtani waxay leegtahay hantida ay haystaan saddexda nine e dunida ugu hantida badan waa Elon Musk, Jeff Bessos iyo Bill Gates oo lagu daray soddonka nine e ugu hantida badan waddanka maraykanka.

Waxa xusid mudddan, lacagtan inteeda badan waxay xukuumada maraykanku kasoo amaahatay wasaaradeeda gaashaandhiga. Khubaradad dhanka dhaqaalaha ee jaamacada BROWN waxay sheegeen in faa’iidada dulsaarka ahi (Interest Rate) ee dayntani ay gaadhi doonto $6.5 tiriliyoon ($6.5 Trillion) sanadka 2050 ka. Taas macnaheedu waxa weeye muwaaddin kasta oo maraykan ah waxa uu bixinayaa dayn dhan 20 kun oo doolar.

Iyadoo xaalku sidaas yahay haddan dawlada maraykanku waxay rabtay inay kusii nagaato dalkaasi si ay u gurato khayraadka badan ee ay leedahay Afgaanistaan kaas oo dabooli kara khasaaraha soo gaadhay dhaqaalaha maraykan ka.

Macdanta ku duugan Afgaanistaan

Warbixin ay soo saartay wasaarada gashaandhiga maraykanku ee Pentagon sanadii 2010, taas oo u baahiyay wargeysa caanka ah ee Reuters ayaa lagu sheegay kaydka hantida macdanta aan wali lasoo saarin ee Afgaanistaan inay gaadhayso Hal tirilyoon oo doolar taasi oo horumar balaadhan u hor seedi karta dhaqaalaha afgaanistaan iyo maraykakan kaba.

Warbixintu waxay sheegtay in macdanata ku aasan dalkan ay kala yihiin  Macdanta birta (IRON) oo lagu qiyaasay 421 billion, macdanta Naxaasta (Copper) oo lagu qiyaasay 273 billion, Dahabka 25 bilyan iyo macdan badan oo ay ka mid yihiin Cobalt iyo Niobium oo lagu qiyaasay 131 billyan oo dollar.[5]  

Askarta kaga dhimatay maraykanku waxay gaadhaysa 24 kun oo askari halka dagaalyahanada Daalibaana ay kaga dhintee ku dhawaad 84 kun oo dagaalyahan. Dadka reer Afgaanistaan waxay waayeen 240 kun oon waxba galabsan oo rayid ah dagaalkani intii uu socday.

W/Q: Khaled Bihi

Ilo-wareedyo:

[1] bit.ly/3gwYDH2

[2] bit.ly/3zlpZHN

[3] bit.ly/3BfJuBU

[4] bit.ly/3gSBz67

[5] reut.rs/3BcDHgp

 

LEAVE A REPLY