Kenya oo Sare U Qaaday Meeqaamka Dublamaasiyadeed Ee Xafiiskeeda Somaliland

0
1487

Nairobi (Hargeisa Press)- Dowladda Kenya, ayaa waxaa ay markii ugu horeysay sare u qaaday meeqaamkii dublamaasiyadeed ee xafiiskooda ay ku leeyihiin Caasimadda Somaland ee Hargeysa.

Kenya, ayaa sidoo kale waxaa ay wakiil cusub u soo magacaabtay Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabis Arbacadii 04 October uu sameeyey Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto, ayaa Cabdiweli Muxamed Hussain u magacaabay inuu noqdo wakiilka sare (Higher Commissioner) ee magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaasibta xukuumadda Kenya, waxa ay muujinaysaa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland.

Waxaanay mudan tahay in xukuumadda Somaliland sidaa si la mid ah ku dhawaaqdo, isla markaana sarre u qaado meqaamka Xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here