Maareeye: “Siyaasadii Soomaaliya Waxay Noqotay In Somaliland Degmo-Degmo Loo Soo Furfuro”

0
2040

Muqdisho (Hargeisa Press)- Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah xildhibaan ka mida golaha shacabka ee Soomaaliya oo ka soo jeeda Somaliland oo qoraal uu ku soo daabacay bartiisa Facebook-gga waxaa uu buun buunin ku tilmaamay soo dhaweynta hoggaamiyaha kooxda SSC ee Muqdisho.

Xildhibaan Maareeyee ayaa yidhi, “Waxaan daawaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi”.

Maareeyee oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yidhi, “Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhammeeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka”.

Xildhibaan Maareeye oo sidoo kale si dadban uga hadlay nidaamka loo maray soo dhaweynta hoggaamiye Firdhiye ayaa hadalkiisa sii raaciyay, “Sayidkii wuxuu yidhi “Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here