Israsaasayn Caawa Ka Dhacday Magaalada Ceerigaabo

0
2510

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa waxaa ay sheegayaan in israsaasayn xoogan ay ka bilaabmatay magaalada Ceerigaabo.

Israsaasaynta, ayaa waxaa ay wararka na soo gaadhayaan ay sheegayaan inay u dhaxaysay ciidamada Booliska ee magaalada Ceerigaabo iyo koox dabley hubaysan ah.

Wararka, ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in israsaasayntu ay timid kadib markii kooxda dableyda ahi weerar ku soo qaadeen saldhig ay ku xidhnaayeen rag lagu soo qabtay khamri, islamarkaana ay isku dayeen in ay furtaan ragaasi.

Israsaasaynta oo caawa fiidkii ka bilaabmatay magaalada, ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay ciidamada boolisku ay soo afjareen kooxdii dableyda ahayd ee weerarka soo qaaday oo ay gacanta ku soo dhigeen, iyadoona ay hada xaalada magaaladu degan tahay.

Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ay sababtay israsaasaynta caawa magaalada ku dhexmartay Ciidamada Booliska iyo Kooxda dablayda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here