Kenya oo Hawada Dalkeeda U Diiday Diyaarad Siday Farmaajo

0
773
Mdaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo

Muqdisho (HargeisaPress) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo safar ku tagi lahaa dalka Rwanda ayaa gabi ahaanba safarkaasi ka baaqday, kadib markii lagu wargeliyay in diyaarada sida anay mari karin hawada dalka Kenya.

Sida caadiga ah markii ay diyaaradaha ka baxayaan dal islamarkaana ay ku sii jeedaan dal kale waxaa lagu wargeliyaa waaxda socdaalka ee dalka marinka ah, markii ay madax ka gudbayaana kuma sii jirto.

Waaxda duulimaadka Soomaaliya ayaa Madaxtooyada ku wargelisay in Kenya ay diiday in Hawada dalkeeda ay marto diyaarad u kiraysnayd Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana markaas la isku raacay in la maro Hawada dal kale balse waxaa cilad qabsatay diyaaradii qaadi laheyd Farmaajo.

Waa markii ugu horreysay oo ay talaabadaan qaadato Kenya waxayna qayb ka tahay Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay wajahday guul darrooyin badan.

Soomaaliya wali kama ayna hadlin baaqashada Madaxweynahooda iyo go’aanka Kenya.

 

HargeisaPress News Desk — Muqdisho/Somalia.
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here