Ka sakow Taageerada Abaaraha, Maxaa laga Filan karaa Weftiga Reer Masar ee Waddanka Yimid? Maxamed A. Maxamuud ‘Barawaani’

0
851

Hargeysa, (HargeisaPress) —Abaaraha ka jira Somaliland waxa ay noqdeen kuwa saameyn weyn ku yeeshay dad iyo duunyo, oo ay saxaafadda guddaha iyo ta caalamku si weyn uga waramaayeen dhibaatooyinka ay dhaxalsiisey duunyadii iyo dadkii reer Somaliland, taasi oo dhimasho, macaluul, biyo la’aan, iyo xanuunno u raaca ku keentey. Iyada oo laga duulaayo xaaladdaasi adag ee dad iyo duunyaba soo wajahdey, waxa dawladda Somaliland qaylo dhaan u kala dirtey beesha caalamka, si ay taageerro wax ku ool ah uga geystaan dhibaatooyinka abaaruhu keeneen, gaar ahaan saameynta ba’an ee abaarahaasi ku keeneen deegaannada galbeedka Somaliland. Qayla-dhaantaasi ka dib waxa Somaliland yimid wufuud badan oo beesha caalamaka ka kala yimid oo taageerro iyo garab istaagba u muujiyey dawladda Somaliland sidii ay uga taageeri lahaayeen dhibaatada abaartu keentey.

 

Qaybo ka mid ah haayaddaha Qaramada Midoobey iyo waddamo ka mid ah ururka Carabta, gaar ahaan waddamada Imaaraadka Carabta, Sacuudi Areebiya, Qadar, iyo Kuweyt-ba waxa ay soo bixiyeen taageerro iyo gargaar wax ku ool ah, oo la gaadhsiiyey dadkii ay sida ba’an u saameysey abaartu,  ka dib qaylo dhaantii Somaliland ku kala dirtey beesha caalamka.

 

Haddaba, bishan aynu ku jirno 5-teedii waxa waddanka yimid wefti ka yimid waddanka Masar, iyada oo aan la garaneynin ulajeedka socdaalkoodu daarnaa, mar haddii aaney taageerro iyo taakuleyn midna sidin kana hadlin, waayo Somaliland wakhtigan aynu ku jiro ee abaaruhu ka taagan yihiin waxa keliya ee beesha Caalamka waddanka imanaayey ulajeedkoodu ahaa sidii ay taageerro uga geysan lahaayeen dhibaatooyinka abaaraha waddanka ka jira. Si kastaba-ha ahaatee, weftigaasi umey muujin Somaliland wax teegeerro, iyo niyad samaan ah oo arrinta abaaraha ku saabsan, iyaga oo qoraal ay safarkooda ka dib ka qoreenna ku tilmaamey iney booqdeen gobol la yidhaahdo Somaliland si ay u khalkhal galiyaan aragtida caalamka ee Somaliland.

 

Si kasta oo ay tahay, dad faro badan oo reer Somaliland ahi, waxa ay imaatinka weftiga reer Masar u arkaayeen mid dano siyaasadeed oo qarsoon huwan, dantoodana ay ka dhex baadigoobaayeen Somaliland, maadaama oo aaney haba yaraatee wax taageerro ah ka geysan abaaraha, iyo dhibaatooyinka abaaruhu keeneen ee ka taagan gobollada Somaliland qaar ka mid ah. Waayo, waddanka Masar oo caan ku ahaa hiilka Soomaali weyn, waligiina ku taami jirey sidii uu god ugu sii ridi lahaa go’aanka reer Somaliland kula soo noqdeen madaxbanaanidoodii ka luntey sannadkii 1960-kii, ayaa u muuqdey in weftiga ka socdaa uu watey arrimo qarsoon oo ishu qaban kari weyday, iyada oo taariikh ahaan la og yahay maqaamka uu kaga jiro arrimaha Soomaaliya, oo uu dhinac yahay. Si kastaba ha ahaatee, arrinta weftigani waxa ay dareen soo jiidasho leh ku abuurtey daneeyayaasha siyaasadda Geeska Afrika, oo su’aal badan galiyey imaatinka weftigan iyo xaaladda lagu soo beegey.

 

Arrinta xiisaha leh ee dareennadaasi sii xoojisey ayaa ah, ka dib noqoshadii weftiga Masar ka yimid iney barta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibaddooda ku daabaceen qoraal aad u xajiimo badnaa oo badi dadka reer Somaliland ay dhibsadeen. Qoraalkaasi oo meelo ka mid ah si bahdilaad ah loogu xumeeyey jiritaanka iyo madax bannaanida Jamhuuriyadd Somaliland. Meelaha qoraalkaasi ku jirey ee sida anshaxa siyaasadeed ee hufan ka fogaa, waxa ka mid ahaa;

 

“Wefti ka socda Dawladda Masar ayaa gaadhey gobolka Somaliland”

Si kasta oo ay tahay waxa dareenka qoraalkaasi si toos ah uu uga turjumaayey dareenka dhabta ah ee dawladda Masar ay ka qabto Jamhuuriyadda Somaliland. Waayo, waxa qoraalka ka muuqdey xaqiraad, yasid, iyo hoos u dhigid baahsan oo ay kula kaceen Somaliland. Filashadaa noocaasi ah inkasta oo dad badan oo arrimha siyaasadda falanqeeyaa ay hore iyo haddaba aamin san yihiin, haddana dad badan oo kale ayaa filaayey mar haddii Somaliland wakhtigan abaaro baahsani ka jiraan iney arrimaha noocaasi oo kale ah aan laga filaneynin dawladda Masar. Qeexidda dhabta ah ee weedhaha ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Masar waxa ay muujineysaa in wali Masar aaminsan tahay, ku dhegsan tahay, in Somaliland wali gobol ka mid ah ay tahay Soomaaliya. Arrintaasi oo meel ka dhac iyo bahdilaad weyn ku ah diblomaasiyadda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Arrinta layaabka leh ayaa ahayd in weftigu sheegeen sida qoraalka ku cad iney la kulmeen;

 

“Madaxweynaha gobolka”

 

Arrintaasi oo soofdaran habaabin weyn ah, oo ay doonayaan iney wax yeelo ugu geystaan horusocodka Siyaasadeed ee Somaliland ka sameysey dhinaca arrimha dibadda. Dawladda Masar iyada o ka dharagsan sooyaalka Somaliland iyo maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martey, haddana hadalka qoraalkooda markaad fiiriso waxa kuu muuqaneysa iney doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan Geeska, oo hadda aad loogaga xoog weynaadey dhinaca diblomaasiyadda.

 

Dhinaca kale, dawladda Masar oo waligeedba qeyb weyn ka ahayd xaaladda qalalaaase ee ka oogan Geeska Afrika, waxa ay mar walba uga faa’iideysaneysey qalalaasahaasi sidii ay ugu ilaashan lahayd danta ugu weyn ee ay ka leedahay Geeska Afrika oo ah sidii ay waligeedba u maamuli lahayd awooda ugu weyn ee Wabiga Niilka, oo Waddamada Geeska Afrika ka soo bilaabma. Danta Masar ee webiga Niilku waxa ay ku jirtaa sidii ay xasillooni darro baahsan ugu abuuri lahayd Geeska Afrika, gaar ahaan waddama webigaasi maro, si ay uga ilaaliso deegaannadaasi in horumar weyni ka bilaabmo oo looga faa’iideysto webiga. Sidaa oo ay tahay waxa hubanti ah in qof kasta oo Soomaali ahi uu dhibane u yahay dawladda Masar oo danaheedda mar walba ka dhex baadi goobeysa meel adag.

 

Guuldarrada ugu weyn ee dawladda Masar ay la kulmi doontaa waa iyada oo iska indho tireysa dareenka dadka reer Somaliland, iyo sooyaalka dhabta ah ee ay leedahay siyaasadda Somaliland ama Soomaliya oo aan leysku murgin Karin. In dawladda Masar baadi-goobto danaha Soomaali weyn waxa ay ka dhigan tahay iney maalin riyooneyso, oo taasi aaney marnaba u suurta galaynin dhinac walba. Dad badan oo daneeya arrimaha siyaadda ee Geeska Afriki, waxa ay u arkaayeen imaatinka iyo qoraalka dawladda Masarba mid aan ku fadhiyin xaqiiqo dhab ah, ee uu yahay mid lagu jaahwareerinaayo siyaasadda Geeska Afrika oo aaney saameyn weyn wakhtigan ku lahayn dawladda Masar. Si kasta oo ay tahay dawladda Masar daaha ma saari karto horumarka dimuqraadiyadeed ee ka hana qaaday Somaliland oo dhinac walba ah.

 

Si kasta oo ay tahay, waxa ayaandarro weyn ah in weftiga dawladda Masar ay si badheedh ah meel ka dhac siyaasadeed ugu geystaan Somaliland qoraalkooda, waxase hubanti ah inaaney wax badan oo ay kula soo galgalan lahaayeen Somaliland aaaney marnaba ka heleynin. Waddanka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo ay inaga dhaxayso cilaaqaad gun dheeri maaha mid ay dawladda Masar wax ku yeeli karto, ama ay ugu soo gaban karto horumarka Somaliland ka hano qaaday oo labada dhinacba saameyn ku leh. Waxa xaqiiqo ah in dawladda Somaliland ay kala garaneyso danaha dhaqan dhaqaale ee gunta dheer cidda ay waligeedba la yeelan doonto, leedahay, ama la lahayd.

 

Dhanka kale abaalka dhaca dawladda Masar ay qoraalkeeda ku xustey, waxa ay ku tahay niyad jab shacabkii, dawladdii gacmaha furan ku soo dhaweeyey, ee hadh iyo habeenba u heelanaa intii ay waddanka joogeen, sidii loo geyn lahaa meelo muhiim ah oo ay ka mid tahay dekadda Berbera iyo goobaha dalxiiska ku caanka ah.

 

Sidaa oo ay tahay Somaliland maalin iyo wakhti kasta waxa yimaadda wufuud balaadhan oo caalamka ka kala socda, sida; waddamada reer galbeedka, waddamada Afrika, waddamada Carabta iyo haayado caalami ah oo u socda iney ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland. Kuwaas oo marka ay noqdaan si wacan oo hufan uga war bixiya wixii ay ku soo arkeen Somaliland oo ah daganaansho, nabad iyo horumar wacan oo ay Somaliland ku talaabsatey iyada oo aan kaalmo ka helin cidna. Hasayeeshee dawladda Masar ma qarin karto horumarkaasi ay beesha Caalamku qireen, iyada oo dawladda Masar ulajeedkeeda webiga Niilka uun ku ilaashaneyso in qalalaase ka abuurto mandaqadda.

 

Guntii iyo gebagabadii waxa ay ahayd in dawladda Somaliland ay fiiro iyo taxadir weyn siiyaan dawladdaha ay Masar ka midka tahay ee aan marnaba hadhka u jiideynin. Iyada oo ay tahay iney xoojiyaan dawladaha danaha iyo maacaamilka dheeri inaga dhexeeyo. Waxa kale oo muhiim ah in hadlka ka soo yeedhay Dawladda Masar lagaga jawaabo mid diblomaasiyadeed oo saameyn ku yeelata in aanney dib u dhicin taasi oo kale. Reer Somalilanda waxaan u soo jeedinayaa iney meel uga soo wada jeestaan sidii ay u kala ogaan lahaayeen cidda dan u ah iyo cidda aan u aheyn, waayo labaduba saameyn weyn ayey ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida iyo degenaanshaha aynu ku taamayno. Waxa kale oo waajib ah in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ay dhawaaqeeda gaadhsiiso meel dhaafsiisan inta hadda jirta.

 

 

Qallinkii: Maxamed A. Maxamuud ‘Barawaani’

Hargeysa,Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here