Gudoomiyaha Madasha Wadatashiga Oo Ka Hadlay Qodobo Ay Muuse Biixi Ku Heshiiyeen Oo Ku Saabsan Xuska SNM

0
812

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Ayaan daro ku tilmaamay in Xuskii SNM ee Sahra Halgan Qabanqaabisay la joojiyo, waxa uu sidoo kalena sharaxay waxyaabo ay ku heshiiyeen Mujaahidiinta iyo Muuse Biixi.

Mujaahid Xasan Guure Oo Warbaahinta kula hadlayay Hotelka Lake Asal ee Hargeysa waxa uu sheegay in Xafladda Jimciyadda Sooyaal diyaarisay ee Maansoor tahay mid dad gaar ah loogu tala galay islamarkaana dad gaar ah oo dhanka xukumadda ah la siiyay Kaadhadhka lagu galayo.

“Waa Ayaan darro, waad ogaydeen saaka raggii u mudnaa ee u muddokarsanaa SNM, Maxamed Xaashi Aas-aasihii buu ahaa, si edeb daro ah baa Qori loogu hanjabay oo qori loogu soo rogtay, Waa Ayaan daro in maanta intaynu inagu qoryo isku soo qaadano Bir ma gaydo yeelan wayno.waxaanan qabaa in haddii ay sidan ku sii socoto aan dalkan la wada yeelan doonin oo aan talo la wada yeelan doonin” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure.

Gudoomiyaha Madashu waxa uu sharaxay Kulan Gudoomiyaha Kulmiye la yeeshay “Waad Ogaydeen oo waxa noo yimid Muuse Biixi, Muuse Biixi Mujaahid buu ahaa, raga ugu waaweyn baanu ahaa, Erguu ku yimid waxaanu ka wada hadalay in Hotelka Hiddo dhawr laga qaado Ciidanka, in Xafladdii  Maansoor-na ee gaarka ahna la joojiyo, illayn cid bay gaar u tahaye. In lagu qabto halkii lagu qaban jiray ee Beerta Xorriyadda ahayd, Cid walbana way u furan tahay oo kaadh la qaybinayaa ma jiro, tiro gaar ahna maaha SNM, Mujaahidka Caruurtiisii baa ka badan, cid gaarana kaadh la siin maayo ee waa xaflad furan oo dadkoo dhan u dhexa darajana la kala heli maayo ee Faataxada ayaa loo marayaa”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here