Xukuumadda Somaliland oo U Digtay Diyaarada Ay Soomaaliya Sheegtay Inay Keenayso Somaliland

0
1715

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa waxaa uu digniin adag u diray Dawladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Soomaaliya uga digay diyaarado helicopters ah oo buufiya Ayax dilaacay (koronkor) kaas oo ay sheegtay inay Somaliland u soo dirayso.

Wuxuu wasiir Axmed Muumin Seed sheegay in aanu waxba ka khusayn qorshe dawladda Soomaaliya doonayso in ay Ayax buufin kaga samayso deegaamo kamida maamul-goboleedyada hoos yimaada.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin oo jimcaha maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay Dawladda Somaliland diyaarisay qorshe ay kula dagaalamayso Ayaxa oo ay ka wada shaqaynayaan Hay’addo kamida Jimciyada quruumaha ka dhaxayso iyo Ururo kale oo caalami ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here