Itoobiya: Arday Jaamacadeed Oo Ku Geeriyooday Rebshaddo Ku Salaysan Qawmiyado

0
907

Woldia (HP): Laba arday ayaa  dhintay ugu yaraan laba iyo toban kale-na way ku dhaawacmeen rebshado dhex maray arday wax ka wada barata jaamacadda Woldia ee dalka Itoobiya.

Rebshadahan oo dhacay Sabtidii shalay ayaa dhex maray arday laba qawmiyadood ka soo kala jeedda oo siyaasad isku qabtay. Taasoo ku salaysan arrimo qawmiyadeed,

Rebshadda ardaydu ku dhinteen ayaa ka dhacday jaamacadda Woldia oo ku taalla Woqooyiga dalka Itoobiya.

Arday ciyaar Kubbadeed wada daawanaysay ayaa markii hore iska hor imaad taageeradda ciyaarta ka dhashay uu dhex maray, iyadoo markii danbe rebshaduhu ay isku bedeleen mid qawmiyadeed.

Odayaasha degaanka ay jaamacadu ku taallo oo kaashanaya dawladda ayaa ardayda jaamacadda kulamo la qaatay, si ay xiisadda u dejiyaan.

Geesta kale dawladda Itoobiya waxay sheegtay in ay baadhitaan ku waddo cidii ka danbaysay dhimashadda ardaydaasi.

Ciidamadda amaanka ayaa la hawl geliyay si ay amaanka jaamacadda gacanta ug hayaan, iyadoo baadhitaankuna uu socdo.

Laamaha amaankuna waxay sheegeen in ay ilaa hadda 13 arday oo ku lug lahaa rebshadahaasi ay xabsiga dhigeen.

Dhinaca kale qaar ka mida ardayda jaamacadaasi wax ka barata ayaa warbaahinta u sheegay in ay wel-wel ka qabaan amaankoodda, iyagoo ka cabsi qaba in qabiil lagu bar-tilmaameedsado.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ahaa kuwo sanadihii u danbeeyay ku soo noq-noqday jaamacadaha dalka Itoobiya. Iyadoo rebshadaha intoodda badani ay salka ku hayaan qawmiyado.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here